Madaxweynaha dawladda Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Qaramada Midoobey.[Masawiro]

July 18, 2016 - Written by Editor

IMG_9185Gaalkayo:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 18-July-2016 qasriga Madaxtooyada Puntland ee magaalada Gaalkacyo ku qaabilay uqaabilsanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey ee dhinaca Carruurta iyo isku dhacyada dagaallada hubaysan haweeneyda lagu magcaabao Leila Serrougui iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayso.

Waftigaan ayaa waxaa ka mid ahaa ku-xigeenka wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia ee dhinaca Aadanaha Peter Declercq iyo Madaxa hay’adda Unicef  ee Somalia Steven Lauwerier iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobey.

Masuuliyiintaan ayaa Puntland u yimi sidii ay wax uga ogaan lahaayeen heerka ay marayso ilaalinta xuquuqul Insaanka ee Puntland, waxaanay ku ammaaneen Madaxweynaha dawladda Puntland sida ay dawladdiisu ula dhaqantay carruurtii yaryarayd ee lagu soo qabtay dagaalladii u dhexeeyey Puntland iyo kooxda shabaab.

Masuuliyiintaan ayaa sheegay in Puntland ay heer wanaagsan ka joogto dhinaca ilaalinta xuquuqul Insaanka isla markaana waxa ay ballan qaadeen in ay sii xoojinayaan mashiircda horumarineed ee la xiriira dhinaca adeegyada Garsoorka, waxbarashada carruuta iyo Jeelasha ee ay fuliyaan Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay weftigaani in ay soo booqdaan Puntland si’ay si dhow wax uga ogaadaan heerka ilaalinta xuquuqul Insaanka ee Puntland, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in ay dawladdiisu diyaar u tahay sii xoojinta ilaalinta xuquuqul aadanaha, gaar ahaan xannaanaynta carruurta lagu soo qabto goobaha dagaalka.

Waftigaan ayaa booqan doona xabsiga weyn ee Puntland ee magaaalada Garoowe waxayna kulamo la qaadan doonaan Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha diinta oo iyadu gacanta ku haysa xabsiyada Puntland.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online