Madaxweynaha dawladda Puntland oo xarigga ka jaray Dhismaha Cusub ee Iftin Bank.[Masawiro]

July 27, 2016 - Written by Editor

IMG_0185Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27-July-2016 caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qayb galay Munaasabad lagu daahfurayey dhisme cusub oo uu Bangiga Iftin ka hirgeliyey magaalada Garoowe. Munaasabadd ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, maamulka Bangiga Iftin, Ganacsato iyo Qurbe Joog ka kala timi daafaha Caalamka, kuwaas oo dalka ugu soo laabtay sidii ay u maal-gashan lahaayeen.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo xadhigga ka jaray dhismahaan cusub ayaa ku ammaanay maamulka Bangiga Iftiin horumarka uu kusoo kordhiyey Puntland maadaama oo uu keenay adeegyo ay shacabka Puntland ku taamayeen.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Bangigaani uu shaqooyin u  abuuri karo  dhalinyarada wax baratay ee reer Puntland kadibna uu shaqo abuurkaasi sababi doono dhaqaale badan oo waddanka soo gala iyo cashuur badan oo dawladda usoo xeroota si ay dawladdu usii dar-dargeliso adeegyada ay bulshada u suubiso.

Madaxweynaha ayaa maamulka Iftin Bank ku boorriyey in ay soo kordhiyaan adeegyo dheeraad ah oo dalka looga baahan yahay isla markaana ay xiriiro la yeeshaan Bangiyada Caalamiga ah, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu maamulka Bangiga ku boorriyey in ay ilaashadaan kalsoonida shacabka.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay Qurba joogta reer Puntland meel walba oo ay joogaan in ay ku dhiirradaan  in ay dalka maal-gashaadaan si waddankana loo horumariyo dhallinta shaqo la’aantu haysan ay shaqooyin ugu abuuraan.

Madaxweynaha ayaa kadib markii uu kasoo baxay munaasabadda xarig jarka Bangiga waxaa uu shacabkiisa kulan nasasho iyo qaxwayn ah kula qaatay  xarunta cusub ee Hotel Jubba ee magaaalda Garoowe, halkaas oo uu kula sheekaystay dadkii ka qaxwaynayey goobta.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online