Madaxweynaha Puntland oo ka khudbad ka jeediyey Munaasabaddii doorashada Duqqa Degmada Gaalkacyo

July 23, 2016 - Written by Editor

IMG_9560Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23-July-2016  magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay munaasabadda Doorashada duqqa Degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa oo goor dhoweyd lagu soo gebagebeeyey xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista ee GECPD ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan labada gole xukuumadda, guddoonka gobolka Mudug, garsoorka gobolka mudug, xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo iyo marti sharaf kale.

Duqqa degmada ayaa waxa isu soo sharraxay 4 musharrax, halka ku xigeenkana ay isu soo sharraxeen laba musharrax iyadoona ugu dambayn uu ku guulaystey duqqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey, halka ku-xigeenkana uu ku guulaystey Farxaan Cabdi Gaafaa.

Markii ay doorashadu dhammaatay isla markaana lagu dhawaaqay natiijada ayaa waxaa labadaaasi masuul loo dhaariyey xilalkaasi loo doortay si xasaanad loo siiyo, waxaana ay ballan qaadeen in ay si daacadnimo iyo hufnaani ku jirto ugu adeegi doonaan bulshada degmada Gaalkacyo, iyagoona ka dalbaday dawladda dhexe wada shaqayn iyo garab istaag.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horrayn  hambalyo u diray labadaasi masuul ee la doortay, waxaana uu u rajeeyey in ilaahay uu ku asturo masuuliyaddaasi culus ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmay maamulkaasi cusub in ay bulshada daacadnimo ugu adeegaan, isla markaana ay si wanaagsan u gutaan shaqooyinka baaxadda leh ee hortaalla, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay yihiin halyeyo dhallin yaro ah oo loo han weyn yahay.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xusay in magaalada Gaalkacyo ay maanta heshay ehelkeedi isla markaana looga baahan yahay Masuuliyiintaan dhallin yarada ah in ay maskaxdooda cusub ugu faa’iideeyaan bulshadooda horumarka iyo nabad-gelyada jecel.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ballan qaaday in ay dalwadda dhexe la shaqayn doonto maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo, balse waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay yihiin maamulkaani cidda looga baahan yahay in ay muujiyaan dar-dargelinta shaqooyinka baaxadda leh  ee degmada Gaalkacyo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online