Muftigii hore ee Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani تراجع شعبية القاعدة وداعش هو ارتفاع نبرة الغلو و التكفير [Video]

July 29, 2016 - Written by Editor

maxresdefaultMuftigii hore ee Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa waraysi gaar ah uu siiyey Tv-ga اخبار الآن ayaa waxaa wax laga wiidiiyey bal in dib u dhac uu ku yimid taageeradii ay ururka Al-qaacid iyo Daacish ay ku lahaayeen dunida islaamka , Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa sheegay in arrinkaas ay wax jirto ayna sabab u tahay qaraxyada iyo dagaalada gudaha ah ee ay labadaan koox ee ururka Al-qaacid iyo Daaichs ka bilaabeen dalalka Islaamka iyo weerarada iyo qaraxyada ismiidaaminta ah oo ay u dhintaan dadka shacaba ah oo aan waxba galabsan
.
Muftigii hore ee Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa sidoo kale xusay in ururka Al-qaacid iyo Daacish ay ayaa taageero ku heli jireen weerarada ay ka fuliyaan dalalka ka baxsan dunida islaamka iyagoo arrinkaas ay taageerayaashoodu ay u arkayeen Jihaad ama cadaw laga aargutay taasna ay sabab u noqtay in ay mararka qaarkood ay helaan taageerayaal hor leh.

Muftigii hore ee Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa waxaa kale oo ku sababeeyey dib u dhaca ku yimid ururka Al-qaacid iyo Daacish in ay gaalnimo ku xukumeen kooxaha islaamiyiinta ee Khilaafsan ayna sababtay in ay la galaan dagaalo sababay khasaaro badan.

Muftigii hore ee Al-Qaacida Abu Hafsa Al-Muritaani oo wax laga wiidiiyey warbaahinta ururka Al-qaacid iyo Daacish ayaa waxaa uu tilmaamay in uu dib u dhac ku yimid ayna sabab u tahay labo arrimood oo kala ah xaalada amniga ee haysta iyo iyagoo aan waxba u xeerin kooxaha Islaamiyiinta ee khilaafsan kulana dul dhacaan cay, Aflagaado iyo xadgudubyo diini ah.

Hoos ka daawo ارتفاع نبرة التكفير والغلو من اسباب تراجع شعبية القاعدة وداعش

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online