Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe.[Masawiro]

July 30, 2016 - Written by Editor

Musharax_Deni_Garoowe_Soodhaweyn-25-630x420Garoowe:-Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland si weyn loogu soo dhaweeyey Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya 2016-ka Dr.Siciid C/laahi Deni,waxaana soo dhaweyn tiisa ka qeybgalay Siyaasiyiin,Ururada Haweenka, Ganacsato,Urururada dhalinyarada iyo Mas’uuliyiin aad u badan.

Musharax Dr.Siciid Deni ayaa looga hortagay meel Magaalada u jirto 20-km,waxaana dhammaan dadka soo dhaweyey ay sheegeen in Musharax Deni uu yahay.Shaqsi lagu aaminikaro masiirka iyo Aayaha Dalka,waxa uuna barxadda Garoowe kula hadlay Boqolaal qof oo ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey.

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey oo ka hadlay soo dhaweynta Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay ku soo dhaweenayaan Caasimadda Puntland”Maanta waxaa soo dhaweynay Musharax Dr.Siciid Cabdulaahi Deni,Musharaxa waxa uu ku dhashay Guri Dowladeed,Waxaa lagu soo koriyey Mushaar Dowladeed,markii uu innagu dhacay Qaranjabkii waxa uu u shaqeeyey Dalka Somaliya,waxa uu soo noqday Xildhibaan,Wasiirkii Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga,Musharaxa waxa uu diyaar u yahay in Maanta dalka Somaliya meesha uu taaganyahay in uu ka dhaqaajiyo soona celiyo Heybadii iyo Sharaftii uu lahaa Dalka isaga oo u marayo wadatashi iyo Ummadda Somaliyeed sida ay rabto,Musharax Shacabka isku soo baxay waxa ay kuugu taageerayaan garashada ay ku garanayaan iyo waxqabadkaagii oo ay ogyihiin waxaana kuugu soo dhaweeneynaa Magaalada Garowe”ayuu yiri Tigey.

Musharax Dr.Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Boqolaal dadweyne waxa uu kula hadlay barxadda Garoowe waxa uuna ugu mahadceliyey sida weyn ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe”Waxaa rabaa si hordhac ah in aan ugu hambelyeeyo dhammaan Shacabka Puntland Kowda Agoosto oo ku beegan Aas aaska Puntland,waxaa kaloo Hambalyo u Dirayaa Ciyaartoyda Puntland Guushii ay ka gaareen Ciyaarihii lagu qabtay Muqdisho ee u dhaxeeyey Maamul Goboleedyada Dalka,Maanta Waxaa taaganahay Xudinta Dowladda Federaalka ee aan tartankeeda u socdo,Dhammaan Ummadda reer Puntland oo aan kala harin waxaa ka rajeenayaa in u guntadaan sidii loo heli lahaa Dowladda Federaal ah oo loo simanyahay oo Somaliya ka dulqaata dhibaatooyinka heysta,Puntland Waxa ay heysataa Nabad,Waxa ay heysataa Maamul wanaagsan,waxa ay heysataa Shacab fiican oo isku duuban,Haddii aan ku guuleysto xilka aan ku taaganahay waxaa keeni doonaan Isbadal,Isbadalkaasna waxa muhiim u ah taageeriddiina”ayuu yiri Musharax Deni.

Musharax Dr.Siciid C/laahi Deni ayaa mudooyinkaan ku sugnaa Deegaanada Puntland waxa uuna safaro ku soo maray Magaalooyinka Bosaaso, Carmo,Qardho,waxaana la filayaa inta uu ku suganyahay Garoowe oo kulamo la yeelandoono Qeybaha kala duwan ee ku nool Caasimadda Puntland.

Cabdiraxman Black
 Garoowe.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online