Mutamarkii 24aad ee wadamada Iskandanefiyanka oo maanta ka furmay magaalada Helsinki (Masawiro).

July 28, 2016 - Written by Editor

image2Finland:-Mu’tamarkii wadamada waqooyiga Yurub ayaa maanta ka furmay magaalada Helsinki ee xarunta dalka Finland Khamiista 28.07.2016 waxaana culumadii maanta ka qeyb gashay mutamarka maalintiisa koowaad ayaa waxay ka jeediyeen muxaadarooyin kala duwan.

Muxaadaraadka maanta ka baxay ayaa waxay kala yihiin
1.Muslimiinta Qurbaha wadanoolaansho ama milmid waxaana soo jeediyay Sh Cabdiweli Sh Maxamed Xaaji Yuusuf
2. Muxaadarada labaad oo ku baxaday luqadda Ingiriiska cinwaankeeduna ahaa : Muslims in the west : Challenges and opportunities, waxaa soo jeediyay Sh Maxamed Sh Cabdiweli.

3. Sh Mustafa Xaaji Ismaacil ayaa salaadii duhur iyo nasashadii kadib wuxuu jeediyay muxaadaro cinwaankeedu ahaa : xoojinta xiriirka ehelnimo.
4. Sh Yuusuf Axmed ayaa isna ka hadlay ” burburka qoyska iyo waxa sababa.
Muxaadarooyinkii maanta oo runtii ahaa kuwo waaqica bulshada taabanaya, ayaa waxaa ku soo khatimay muxaadaro ka hadlaysa Allaah ka cabsiga Sh Maxamed Shaafici Sh Khaliif.

Guud ahaan jawiga guud ee mu’tamarka maantu wuxuu ahaa mid wanaagsan waxaana dunida dacaladeeda looga daawanayey si maqal iyo Muuqaal ah Shabakada Wararka Halgan.net iyo Radio Halgan live .

Halgan-net
Helsinki

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online