Sh C/raxmaan Abyad Oo Muxaadaro ka hadlaysa Islaamka Iyo Wanaagiisa ka jeediyay Masjidka Al-Huda Garowe.[Masawiro]

July 18, 2016 - Written by Editor

DSC_0056-300x200Garoowe:-Sh Cabdiraxmaan Axmed Cilmi (Sh Abyad ) oo safar dacwo kusoo maray qaybo badan oo ka mid ah dalka ayaa waxaa uu soo gaaray Magaalada garowe ee Caasumada Puntland waxaana Sheekhu mudadii uu joogay umada u faa iideeyay Muxaadaraad iyo wacyigalin guud oo uu la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan .

Sheekh ayaa muxaadaro ka hadlaysa Fadliga Cilmiga iyo waxyaabha laga donayo ardayga muslimkaa in uu xaqiijo  uu u jeedshay Ardayda wax kabarata /Xalaqaadka / kuwa Macaahida / Jaamacadaha Iyo Dhamaan  Goobaha waxbarashada muxaadaradaas oo ardaydii ka faa iday sateen. Sheekh Abyad ayaa sidoo kale darsi kahadlaya Shuruudaha laga rabo Hogaamiyaha  waxaa uu ka jeediyay Tvga Puntland . Intaas ka dib Sheekhu waxaa uu Muxaadaro ay ka soo qayb galeen boqolaal dadweyna ah wuxuu ku qabtay Masjidka Al-Huda Garowe  waxaana Sheekhu Halkudhig Uga dhigay Darsigaas Islaamka Iyo Wanaagiisa.

Waxaana Sheekhu isbarbardhig  ku sameeyay Farqiga u dhaxeeya dadka aan haysan islaamka iyo dadka Eebe ku sharfay islamka  waxaana sheekhu Tusaalooyin badan ka bixiyay Dhaqan Xumada Reer galbeedka Iyo siday wax u saxeen dadkii Islaamka  Xanbaarsanaa . Ugu danbayntii Safarka sheekha  Iyo Dhamaan Muxaadaradka Uu qabtay ayaa laga dareemay dhamaan Deegaana  Puntland Waxaana  Sheekha laga codsaday in uu soo noqdo Si aad looga sii faa iidaysto.

Nuur Jaamac Adan
Xafiiska warbahinta Alminhaaj

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online