Shirka Golaha wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Qodobo kala Duwan

July 21, 2016 - Written by Editor

gole_wasiirMuqdisho, 21 July 2016—Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii khamiislaha ahaa, waxaana shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxame Cumar Carte, shirka ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin qorshaha amniga doorashooyinka, iyo heshiisyada Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa golaha u soo gudbisay qorshaha amniga doorashooyinka ee dalka uu wajahayo sanadkan, qorshaha oo qeybo badan ka koobnaa ayeey golahu ka doodeen.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka mudane Axmed Cali Daahir oo shirka ka soo qeeybgalay ayaa sheegay in hey’adaha sharciga ay soo diyaarinayaan ka hortaga danbiyada ay ku kici karaan dadka sida musuq-maasuqa, laaluushska iyo ku tagri-falka awoodeed inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Mudane Maxamed Mukhatar ayaa golaha u soo gudbiyay diyaarinta heshiiska wadaagga shidaalka ee Soomaliya iyo shirkadaha shidaalka.

Ugu dambeyntii Golaha wasiirda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi u diray dadkii lagu laayay tuulada War-diile ee gobolka Baay, waxeeyna u magacaabeen gudi ka kooban Wasaaradaha gaashaandhiga, arrimaha gudaha, iyo amniga gudaha si ay iyagoo kaashanayo maamulka koonfur-galbeed ay warbixin sugan ugu soo gudbiyaan Xukuumada Soomaaliya.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online