Wafdi ka socda DFS oo Gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan

July 24, 2016 - Written by Editor

baladweyneHiiraan:-Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlammaanka DFS Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlammaanka DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan DFS kuwaas oo ka qayb galaya xaflad lagu caleemasaarayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo barri lagu caleemo saari doono magaalada B/weyne.

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlammaanka DFS Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, kuwa degmada Baladweyne iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ilaa shalay soo gaarayeyy ergooyin ka socda Salaadiin iyo Ismada Soomaaliyeed kuwaas oo ka imaanayey dalka gudahiisa iyo dibadiisa si ay uga qeyb galaan caleemasaarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa si KMG ah u sii hayey Ugaaska Beeesha Xawaadle ilaa intii ka dambeysay geeridii Allaha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble alaha janadtul fardowsa geeyo Aaamiin.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online