Ciidanka DFS iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Deegaanka Suriya ee gobalka Gedo

August 27, 2016 - Written by Editor

gedoWararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmay ciidanka DFS ee gobalka Gedo iyo Al-Shabaab waxaan uu dagaalka xoogiisa ka dhacay deegaanka Suriya ee Duleedka Degmada Buurdhuubo.

Deegaanka Suriya oo u jira 12 KM Degmada Buurdhuubo ee uu dagaalku ka dhacay ayaa waxaa la wareegay ciidanka DFS waxaana duleedka deegaana Suriya ku sugan kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyay in 4 Askari in uu kaga dhintay dagaalka ka dhacay deegaanka Suriya waxaana ay sheegeen in ay iyagu haatan ku sugan yihiin deegaanka Suriya.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada C/raxmaan Cali Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay khasaaro badan u geysteen kooxda Al-Shabaab wuxuuna intaa ku daray in ay Al-Shabaab haatan ku sugan yihiin Dhuuroole .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online