Dhagar qabayaashii geystey falkii argagixisanimo ee ka dhacay Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka oo la goobayo[Masawiro]

August 30, 2016 - Written by Editor

Wanted1Gaalkacyo:-Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha amniga ee Puntland in ay soo qabqabtaan dhagar qabayaasha kooxda alshabaab ee geystey falkii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka. Falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay ku burburtay hanti tiro badan. Haddaba waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa qayb ka mid ah sawirrada iyo  magacyada dhagar qabayaasha Al-shabaab ee falkaasi waxashnimo ee ka dhacay xarunta dawladda Hoose iyo suuqii ganacsiga ee Xero dayax geystey.

1.   Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED”

– Da’diisa: 40-45 sanno jir.

– Ku dhashay Gaalkacyo.

– Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad.

– Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.

2.    Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ”

– Da’diisa: 45 sanno jir.

– Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

– Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle.

-Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Alshabaab ee Gobolka Mudug.

3.   Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf

– Ku dhashay: Gobolka Mudug.

– Beeshiisa: Dir/ Qubeys.

4.  Cabdishakuur Mire.

– Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

– Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.

5.    Muxiyadiin Dakharre.

– Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

– Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle.

Sidoo kale waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa magaca dhagar qabihii isku qarxiyey xarunta dawladda hoose ee Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, kaas oo gaadhigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey, Faahfaahintiisana hoos ka akhriso.

1.Cabdullaahi Fanax

– Da’diisa: 22 Sanno Jir.

– Ku dhashay Ceel-waaq

–  Beeshiisa: Marreexaan/ Uur midig.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online