Howlgalo lagu sugayo amaanka gobalka Nugaal oo ka bilaawday magaalada Garoowe (Masawiro)

August 18, 2016 - Written by Editor

IMG_9568Ciidanka nabadgelyada ee gobolka Nugaal ayaa saaka magaalada ka bilaabay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro iyo askar hub ku dhexwadatay magaalada Garoowe.

Taliyaha ciidanka kumaandoonka Puntland Col. Jimcaale Jaamac Takar, gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne iyo duqa degmada Garowe Xasan Goodir ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalada ka socda magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Gobolka Nuugaal Cumar Cabdullaahi Farawayne ayaa uga digay dhamaan kuwa amaan darada ka wada magaalada ama degan dooxooyinka ama wadooyinka xiray wuxuuna sheegay in ay gacan bir ah isaga qaban doonaan.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa aad u soo dhaweeyey howlgalada Danab 2 waxaana ay wada shaqeyn buuxda u muujiyeen ciidamada howlgaada ka wada magaalada Garoowe.

Saraakiisha Amaanka ee Puntland ayaa sheegay in howlgalada Danab ee ka socda Garoowe ,Gaalkacyo ay u gudbi doonaan magaalooyinka kale sida Qardho ,Boosaaso ,Carmo iyo magaalooyin kale .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online