Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Caalamiga ee Africa oo heshiis kala saxiixday (Masawiro)

August 23, 2016 - Written by Editor

13Boosaso:-Waxaa maanta si wada jir ah heshiis ugu kala saxiixday magaalada Garowe maamulka Jaamacadda Bariga Afrika iyo Masuuliyiin ka socotay Jaamacada caalamiga ah ee Afrika( Intertanional University of Africa),iyadoo heshiiskan qayb ku lahayd Wasaardda Waxbarshada iyo tacliinta sare ee Dowladda Puntland

Hormuudka kuliyada shareecada Islaamka Jamacada Barriga afrika Jamac Maxamed Xasan ayaa kusifeeyey in uu heshiiskan door weyn ka ciyaari doono sidii kor loogu qaadi lahaa Tayada Jaamacadda Bariga Africa ayna filayaa in si hufan looga faa’iideysan doono.

Baacasiis Cali Bin Cali oo ah Madaxa kuliyada shareecada iyo qaanuunka ee Jaamacada caalimaga ah ee afrika ayaa ku tilmaamay heerka waxbarasho ee ka jira Puntland mid soo jiidanaya Jaamacadaha kale ee Caalamka , Isagoona sheegay inay Ahmiyad istaraatiijiyeed u leedahay Jamacada Bariga Africa dalka Somalia.

Gudoomiyaha guud ee Jaamacada bariga Afrika Aadan Sheikhdoon ayaa ku tilmaamay heshiiskani inuu yahay fursad dahabi ah oo usoo hooyay bahda Waxbarashada, gaar ahaan ardayda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika,wuxuuna sheegey inay muhiim tahay in si wanaagsan looga faa’iideysto.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa sheegay inay qayb wayn ku lahayd fulinta heshiiskan Wasaaraddiisu , ayna tahay fursad ay ka faa’iideysan doonaan Ardayda Soomaaliyeed isagoo Jaamacada Bariga Afrika ku tilmaamay mid u qalanta ka faala qaadida miisaanka uu xambaarsan yahay Heshiiskani

Jaamacada Bariga Africa ayaa mudadii ugu danbaysay waxay heshiisyo kala duwan la gashay dhigeeda caalamka gaar ahaan Jaamacado ku yaala Dalalka Malaysia,Sudan iyo Sweden.

Xafiiska Warfaafinta
EAU Puntland Somalia.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online