Madaxweynaha DFS oo baaq ku aadan doorashada 2016 u diray shacabka

August 18, 2016 - Written by Editor

IB0A7470Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq ku aaddan doorashooyinka 2016-ka dhacaya u diray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waddanku uu ku jiro marxalad kala guur ah, loona baahan yahay shaqaalaha laamaha kala duwan ee dowladda inay dardar-geliyaan fulinta waajibaadkooda.

“Waxaan u mahad-naqayaa dhammaan shaqaalaha dowladda oo iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag, haddana aan marnaba ka daalin inay qarankooda si daacad ah ugu adeegaan. Waddanku doorashooyin ayuu dhowaan gelayaa, guddiyo iyo hay’ado mucayin ah ayaana hawsha qaban doona. Sidaa darted waxaan shaqaalaha ka codsanayaa inaaney siyaasadda iyo arrimahan doorashooyinka ku mashquulin, balse ay waqtigooda geliyaan dhismaha dalka iyo u adeegidda shacabka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda farey inay ilaaliyaan hantida qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale waxaa uu ugu baaqey hay’adaha amniga inay si buuxda kaalintooda uga qaataan sugidda amniga ee marxaladda kala guurka iyo amniga doorashooyinka ee goobaha kala duwan ee dalka.

‘’Marka laga soo tago waajibaadka laamaha amniga, waxaa kale oo hirgelinta doorashadan kaalin ku leh odayaasha dhaqanka. Waxaa odayaasha dhaqanka laga doonayaa inay maskaxda ku hayaan in sannadkan doorashada dhacaysa ay ka yara sareyso tii hore, maadaama wax la kala dooranyo, tiro mucayin ah oo shacabka ka mid ahna ay codkooda dhiiban doonaan. Odayaasha waxaan ugu baaqayaa inay hannaankan fududeeyaan, guddiyada kala duwan la shaqeeyaan, isla markaana ay si caddaalad ah waajibaadkooda u gutaan’’.

Waxaa uu Madaxweynaha dhanka kale dardaaran u diray guddiyada doorashada ee heer federaal, heel maamul goboleed iyo dhammaan maamulada dalka ka jira.

“Guddiyada doorashada dadban ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed waa inay la shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabka iyagoo caddaalad iyo sinnaan kula dhaqmaya mushaxiriinta. Soomaaliya waajibaad ayay idin saartey, waxayna idinka sugeysaa inaad waajibaadkaasi sida ay tahay aad u gudataan. Madaxda dowlad goboleedyada, iyaguna waxan farayaa inay amniga iyo tas-hiilaadka kale ee suuragelinaya qabsoomidda doorashada gacan buuxda ka geystaan’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku ammaaney beesha caalamka doorkeeda ay ku taageerayso doorashooyinka, isagoo ka codsadey inay waqtiga ugu habboon ku soo dhameystiraan tas-hiilaadka ay horay u ballanqaadeen ee doorashooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya.

———————-DHAMMAAD———————

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online