Madaxweynaha DFS oo cambaareeyay weerarkii waxashnimo ee argagixisada ay ka fuliyeen Gaalkacyo

August 21, 2016 - Written by Editor

xassanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada guuldarrooyin culus oo ku habsadey awgeed ay doonayaan inay gummaadka shacabka u adeegsadaan muujinta saameyntooda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayey weeraradii waxashnimada ee saaka argagixisada ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo dad u badan shacab ay ku shahiideen.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud ayaa sheegay in dadkii maanta shahiiday ay noloshooda qaaliga ah ku waayeen iyagoo dalkooda iyo shacabkooda u adeegaya, isagoo Allah uga baryey inuu naxaristii janno ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo shacabka ay ka geeriyoodeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha Ilaahay uga baryey dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada ah inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaa uu farey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo haatan maraya weji gebagabo ah.

——————————–DHAMMAAD————————-

 

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online