Madaxweynaha DFS oo ka qeyb-galay Salaada Janaasada Ciidamado ku shahiiday qaraxii shalay.

August 31, 2016 - Written by Editor

IB0A0110-696x464Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeyb-galay salaadii Janaasada ciidmado ka tirsan ciimadda qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ku shahiiday qaraxii shalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Allaah uga baryey inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay islamarkaana caafimaad deg deh ah siiyo dadka dhaawaca ah.

“Waxaan u tacsiyeynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelladdii qarabadii dadkii shacabka iyo ciidamadda isugu jiray ee ku shahiiday qaraxii cadawgu ka geystay Muqdisho , Allah ha u naxariisto inta dhimatay kuwa dhaawaca ahna Allah ha caafiyo. Cadowga ummadda dhibaatadda la daba taagan ee sida naxariis daradda ah kula dhaqmaya, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa idin ka guuleysan doonaa “ ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay daryeeleyso qoysaska ay ka tageen ciidamadda qaraxii shalay ku shahiiday iyaga oo difaacaya Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda islamarkaana ay bixineyso deymaha lagu leeyahay

—Dhammaad–

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online