Madaxweynaha Puntland kulan la qaatay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga (Masawiro)

August 25, 2016 - Written by Editor

FullSizeRenderMadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee hawlaha shaqo u joogey dalka Itoobiya ayaa maanta 25 Agoosto, 2016 gaaarey magaalada Istaanbuul ee xarunta Ganacsiga ee dalka Turkiga, kaddib markii uu Madaxweynuhu marti qaad rasmi ah ka helay dawladda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dawladda Turkiga Versi Kaynak, Xildhibaan Kani Turum iyo Masuuliyiin kale oo ka kala tirsan hay’adda u qaabilsan dalkaasi arrimaha Afrika iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Soo dhoweyn kaddib Madaxweynaha iyo masuuliyiintii ka tirsanayd dawladda Turkiga ayaa wada qaatay kulan muhim ah oo diirradda lagu saarayey sidii ay labada dhinac u sii amba qaadi lahaayeen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo midka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii ay dawladda Turkigu mashaariicda ay ka fuliso Soomaaliya ay Puntland qaybteeda uga heli lahayd maadaama ay Puntland u gudubtey heerkii horumarka.

Kulankaasi ay wada qaateen Madaxweynaha dawladda Puntland Madaxda sare ee dawladda Turkiga ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha soomaaliya gaar ahaan marxaladdaan kala guurka ah ee uu dalku ku jiro maadaama dawladda Turkigu ay ka mid tahay dawladaha daneeyo Soomaaliya.

Ugu dambayn Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u amba baxay magaalada lagu magcaabo Bursa ee dalkaasi Turkiga, halkaas oo ay kulamo kula qaadan doonaan Madaxda ugu sarraysa dalkaasi isla markaana ay kala xaajoon doonaan habka ugu wanaagsan ee ay dawladda Turkigu mashaariic horle uga hirgelin karto Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku hawllan sidii uu Puntland uga hirgelin lahaa mashaariic horle oo la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta Ganacsiga iyo maalgelin caalami ah, sidoo kale Madaxweynaha ayaa diirradda saaraya sidii ay Puntland xiriirro wanaagsanula yeelan lahayd dhammaan dawladaha daneeya Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online