Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti.[Masawiro]

August 31, 2016 - Written by Editor

2Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo oo muhim ah ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Turkiga ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan dhexmaray labada Madaxweyne ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee u dheexeeya dawladda Jabuuti iyo dawladda Puntland iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-gashiga.

Madaxweynaha dalwadda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku ammaanay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle doorka ay dawladdiisu ka qaadatay tababarrada ciidamada Puntland iyo iskaashiga dhinaca Ganacsiga gaar ahaan is dhaafsiga badeecadaha iyo xoolaha.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa kala hadlay dhiggiisa dawladda Jabuuti sidii ay maalgashi ugu samaysan lahaayeen Puntland iyo sidii ay diyaaradda Jabuuti Airline duullimaad uga bilaabi lahayd garoonka caalamiga ah ee Boosaaso, si loo dar-dargeliyo xiriirka dhinaca gacansiga labada dawladdood oo hadda ku kooban dhinaca badda oo keliya.

Geesta kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku ammaanay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isbedellada dhinacyada horumarinta, dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka kooxaha xagjiriinta ah ee al-shabaab ee uu ku tallaabsaday muddadii uu hayey hoggaanka Puntland.

Ugu dambayn labada Madaxweyne waxay kawada hadleen doorashooyinka ka qabsoomi doona dalka Soomaaliya bilaha soo socda iyo suurtagal-nimada ah in doorashooyinkaasi aanay waqtigooda dib uga dhicin marka loo eego duruufaha ku xeeran.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online