Masuul ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya.[Masawiro/Cod]

August 29, 2016 - Written by Editor

4Muqdisho:-Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Banaadir  ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen xarunta Nabadsugida Sarkaal ka soo goostay ururka Al-shabaab magaciisana lagu sheegay Ibraahin Aadan Ibraahin Ibraahin Nadaara.

Sarkaal kaan ka soo goostay ururka Al-shabaab laguna magacaabo Ibraahin Aadan Ibraahin (Ibraahin Nadaara) ayaa waxaa uu madax ka ahaa Madaxa Xafiiska Waxbarasha Gobollada Baay iyo Bakool isagoona xusay in uu soo qabtay xilal kale duwan.

Sarkaal kaan ka soo goostay ururka Al-shabaab laguna magacaabo Ibraahin Aadan Ibraahin (Ibraahin Nadaara) ayaa saxaafadda u sheegay in labadi sano ee u danbaysay uu ogaaday khalaad diini ah iyo maamul ee ka jira Ururka Al-shabaab ka dibna uu maanta fursada u helay in uu ka soo goosto ururkii uu a tirsanaa in mudo.

Ibraahin Aadan Ibraahin (Ibraahin Nadaara) ayaa waxaa uu wax ka tilmaamay sababaha rasmiga ah ee ku xanbaaray in uu ka soo goosto ururka Al-shabaab waxaa uu tilmaamay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:-

1. Dhiiga shacabka Muslinka ah ee Soomaaliyeed oo shabaab ay fududeysteen.

2.Khaladaad diini iyo maamul oo ka jira ururka Shabaab dhexdiisa.

3.Dilalka shabaab ay u geysteen dadka shacabka ah iyagoo aan wax maxkamada ah la soo taagin.

4. Culimada ka hortimid khalaadka diiniga ee Al-shabaab oo  laga dhigo cadaw halka kuwa taageersan lagu magacaabo  Caalim rabaani ah.

5. Qaraxyada ay fuliyaan Al-shabaab oo lala beegsado goobaha dad weynaha iyo shacabku ku badan yihiin laguna xasuuqo shacabka ah ee Soomaaliyeed.

6. Ka mid noqoshada ururka Al-shabaab oo laga dhigo gacal qofka ka baxana laga dhigo cadaw.

7. Dilal lagula kaco  Saraakiil sare sare oo ka tirsanaa Al-shabaab halka qaar kalena ay ku jiraan xabsiyadda qarsoodiga ah ee Al-shabaab.

Ibraahin Aadan Ibraahin (Ibraahin Nadaara) ayaa sidoo kale sheegay in mudo 9 sanno ah uu ka tirsanaa Al-shabaab balse wax uu xusay in uusan isagu qayb ka ahayn dilalka loo geysan jiray dadka Soomaaliyeed ee muslinka ah  wuxuuna  codsi u jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay cafiyaan madaam uu ka tirsana ururka Al-shabaab.

Ugu danbayntii waxaa uu Ibraahin Aadan Ibraahin (Ibraahin Nadaara) u mahad celiyey si gaar ah Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud isagoo uga mahad celiyey cafiska uu u fidiyey  iyo sidda wanaagsan ee loo soo dhaweeyey markii uu su soo dhibay ciidanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’id Ibraahin Aadan Ibraahin (Ibraahin Nadaara).[Source codka radio Risaala]

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2016/08/nadaara.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online