Mu’asasada Al-minhaaj oo Nadwo diini ah magaalada Carmo ku soo gabagabaysay.[Masawiro]

August 25, 2016 - Written by Editor

20160818_184008Carmo:-Waxaa magaalada Carmo habeenimadii  Axada ahayd lagu soo gabagabeeyey Nadwo ka socotay maalmihii lasoo dhaafay magaalada laguna qabtay Masaajidka Al- Taqwa. Nadwa Cilmiyeedkaan diniga ah ayaa ahayd tii 8aad oo lagu qabto degmada Carmo waxaana soo Agaasimay  Mu’asasda Al Minhaaj Faraca Bari .

Nadwo cilmyedkaan diiniga ah ayaa waxaa ay ka socotay magaalada Carmo mudo dhan 4 cisho waxaana looga hadlayey  “Islaaxinta bulshada  iyo Ilaalinta Masaalixda guud”. Nadwadaan oo ahayd mid aad muhin u ah ayaa waxaa ka qayb galay in  badan oo ka mid ah Culimada ugu caansan dalka Soomaaliya.

In tii ay socotay nadwadan ayaa waxaa qabsoomay howlo badan oo dacawi kuwaas oo gaaraya ilaa 30 camal oo dacawi ah waxayna iskgu jireen howlahaasi

1. Muxaadirooyin habeenkii ah

2. Kaalimaad masaajida ah

3.Dacwo shaaricyo

4.Khudbado jimce

5.Dowro dhalinyaro

6.Kulamo lalayeeshay maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

7.Booqashooyin magaaloyinka u dhow degmada sidda: Ceeldaahir ,Carta iyo Laasadawaco

8.Fataawi  iyo Su.aalo culimadu ay uga jawaabeen bulshada ku dhaqan degmada Carmo.

Nadwadan oo ahayd mid aad loogu wacyi galiyaay bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool deegaanka carmo ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan. Xiritaankii nadwada ayaa waxaa kalmado warbixin ,dardaaran iyo mahad celinba isugu jira ka jeediyey mas’uuliyiin kalada duwan .

Mu’asasda Al Minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online