Qarax lagu weeraray Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho

August 30, 2016 - Written by Editor

_90967887_808aeae9-2064-4965-b185-f36a9d84307aMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa lagu weeraray banaanka hore ee Hotelka SYL ee ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho ee caasiamada dalka Soomaaliya. Qarax oo ahaa mi weyn ayaa waxaa uu galaaftay nolosha dad badan oo ay ka mid yihiin dumar wax ku iibinayey banaanka hore ee Hotel SYL iyo weliba qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada ka ahaa Hotel SYL.

Hotel SYL ayaa waxaa uu ku dhow yahay xarunta Villa Soomaaliya waxaan inta badan lagu qabtaa kulamo ama shirar ay yeelanayaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalk Soomaaliya.

Qaar ka mid ah saxaafadda ka howl gasha magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xili la doonayey in Hotel SYL lagu qabto kulan looga hadlayey amaanka magaalada Muqdisho.

Weerarka qarax ee lagu weeraray Hotel SYL ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aan ilaa hadda tiradooda rasmiga ah aan la helin waxaana jira dad badan oo loo daad gureeyey rugaha caafimaadka kala duwan ee ku yaal magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online