Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.(Masawiro+Vedio)

August 21, 2016 - Written by Editor

1Gaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Qaraxyo Ismiidaamin ah lagu weeraray Xarunta dawladda Hoose iyo Suuqa Xero Dayax waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in 10 qof oo isku jirta askar iyo shacab ay ku dhinteen weerarka halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalakcayo ayaa baryahaan waday howlgalo ka dhan ah kooxaha amaan xumida ka wada Gaalakacyo waxaana ay soo xireen ilaa 70 qof oo ay ku jiraan saraakiil iyo rag ka tirsan Al-Shabaab oo dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo waxaana inta badan laga soo qabtay raga ka tirsan Al-Shabaab Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay ka taliso Galmudug.

Khasaaraha ugu badan waxaa uu gaaray dadweyna rayid ah oo ku yaacay Xarunta dawladda Hoose iyo Suuqa Xero Dayax qarax ka dib balse waxaa ku qarxay qarax kale oo gaari lagu soo xiray .

Labadii Isbuuc ee la soo dhaafay ayaa kooxda Al-Shabaab waxaa gaaray Khasaaro lixaad leh ka dib markii ciidamada Danab ee DFS iyo PSF ee Puntland ay gacanta ku dhigeen rag muhiim ah oo ay ku jiraan Ajaanib kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey koonfurta magaalada Gaalkacyo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online