Ra’iisul wasaaraha DFS oo cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

August 21, 2016 - Written by Editor

rw1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, halkaas oo naftooda ay ku waayeen dad isugu jirey shacab iyo masuuliyiin maamulka gobolka.

“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, Waxaan leeyhay shacabka Gaalkacyo si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan dhagar-qabayaasha bartilmaameed sanaya shacabka iyo Madaxda”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaare Cumar wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii iyo nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. “Dadka dhintay waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu raaciyay R/Wasaaraha.

—-DHAMMAAD—-

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online