Shirweynihii 14aad ee Golaha Shuurada Albayaan oo ka dhacay magaalada Johannesburg (Masawiro)

August 23, 2016 - Written by Editor

image2Johannesburg:-Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 21/08/2016, lagu soo gaba gabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika Shirweynihii 14aad ee Golaha Shuurada Albayaan, kaasoo soconayay muddo laba maalmood ah.

Shirkan oo sanad walba la qabto waxaa lagu lafa guraa habsami u socodka hawlaha balaadhan ee goluhu u hayo ummadda muslimka guud ahaan, gaar ahaanna ummadda Soomaaliyeed, halkaasoo lagu qiimeeyo shaqooyinkii la soo qabtay laysuna xilsaaro kuwo cusub.

Waxaa Ka soo qayb galay xubnaha Golaha shuurada iyo Marti Sharaf kalaba, kuwaasoo ka kala yimid gobolada dalka intiisa badan.

Sannadkan 2016 waxaa aad looga dooday, warbixin kala duwanna laga soo bandhigay gaadhsiinta dacwada dadka aan muslimka ahayn oo run ahaantii ahayd mawduuc aad looga dooday ka dibna meel la isla dhigay sidii loo horumarin lahaa Inshaa Allaah.

Shirka waxaa kaloo qiiimayn lagu sameeyay hawlihii dacwada guud ahaan ee Ka socday waddanka iyo Tacliinta, ka dibna waxaa lagu dejiyay qorshaha sannadka cusub ee 2016/2017.

Ugu danbayn, waxaa lagu doortay oo la ansixiyay shirka sandakan Guddi Fulinta loo xilsaaray oo isagu mas’uul ka noqonaya habsami u socodka, isku xidhka shaqada hay’adda ee waddanka sanooyinkan soo socda haddii Alle idmo.

Golaha Tanfiidka waxaa mas’uul ka ah Sh Maxamuud Maxamed Adar, waxaana Tacliinta loo doortay Sh Cali Ibraahim Cali, iyo Xafiiska Dacwada oo loo doortay Sh Shariif Afeey Abuukar, waana loo duceeyay in Illaaheey u fududeeyo Camalkan ballaadhan ee hor yaalla.

Goloha Sare ee Trustiga ayaa sidiisii ahaan doona, waxaana shaqadiisu noqonaysaa Ilaalinta manhajka, Hantida hay’adda iyo la xisaabtanka guddiga fulinta.

Xafiiska Warfaafinta ee Albayaan
Johannesburg, Koonfur Afrika

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online