Xubnaha Maxkamadda Sare ee dawladda Puntland oo maanta lagu dhaariyey (Masawiro)

August 20, 2016 - Written by Editor

IMG_3623Waxaa maanat xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweyna Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey lagu dhaariyey xubnaha Maxkamadda Sare ee dawladda Puntland oo uu dhowaan Wareegto Maxweyne ku magcaabay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali isla markaana ay ansixiyeen labada gole ee dawladdu.

kusimaha Madaxweynaha ayaa dhaarinta ka dib kula dardaamay xubnaha maxkamadda sare ee Puntland in ay ka dhabeeyaan kitaabka ay gacanta saareen isla markaana ay u gutaan xilkaasi loo igmaday si daacad ah.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa tilmaamay in garsoorku uu yahay masuuliyad weyn oo u baahan in si taxadar leh loo guto isla markaana loo caddaalad sameeyo ummadda, isagoona sheegay in xubnahaan loo magcaabay Maxkamadda Sare ay yihiin kuwo xilkaasi ku habboon oo leh aqoontii iyo waayo aragnimadii loo baahnaa.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey in uu xubnahaan maanta la dhaariyey u fududeeyo xilkaasi culus ee ay dhabarka u riteen, wuxuuna Madaxweyne ku-xigeenku ka codsaday guud ahaan shacabka reer Puntland in ay si buuxda ula shaqayeen Maxkamadda sare ee Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online