Immisa qof baa QAAD la’aan u dhimatay? – W/Q Sh Axmed Cabdisamad

September 9, 2016 - Written by Editor

Sh-Axmed-CabdisamadLabadii ama seddexdii beri ee dhibaatada QAAD la’aantu ay ku habsatay qaybo badan oo qaranka soomaaliyeed ka mid ah lama hayo dad u qur go’ay QAAD la’aan ama la ildaran, isbitaalada lama keenin dad u jirraday, qaxooti QAAD la’aan darteed buushash dhistay ama qaxayna lama soo sheegin.Dadka wax faalleeya waxayba sheegeen in joojinta laga dhabeeyo oo la joogteeyo inay guul weyn u tahay soomaali oo dhan,  ayna ka helayaan faa’iidooyin dhaqaale, caafimaad, dhaqan, diimeed, nabadgalyo iyo bulsho.

Qofka dhagaysta , akhriya ama daawada qalabka warbaahinta wuxuu ogaanayaa sida wacyiga bulshadu sare ugu kacay oo ay u garanayaan waxa anfacaya iyo waxa dhibaya. Dabcan way jiraan dad aan badnayn oo QAADka u doodaya ujeeddaday doonaan haka lahaadeene oo laga yaabo in qaarkood dib isu waansadaan.

Ma muuqato inay maamuladu si kama dambays ah QAAD-ka u joojin karaan ama ay ugu dhiirran karaan laakiin in shacabku is xilqaamo oo isku mar yiraahdo cuni mayno, gadan mayno, kana ganacsan mayno maxaa inoo diidaya?.

Markii hal majin ah laga iibsan waayo ma khasab baa la inoo ku qulaaminayaa?, mase idin la tahay markii maanta la iibsan waayo oo berri lugu daro in maalin walba diyaarado lugu keenayo?. Ogow ninka beerta leh iyo shaqaalihiisa laga soo bilaabo ilaa kan diyasrada ilaa dawlada canshuuraysa waxa ay qaybsanayaan waa biilkii carruurtaada la’aantiisna diyaatadi ma qaadayso, beertana lsga shaqayn maayo.

Gabagabadii arrintu waxay ku soo uruuraysaa waxa la isku haystaa waa biilka reerkaaga ama xoogaagii aad u soo dhidaday ee adigu biilka reerkaaga ma xagsan kartaa oo balaayada faylka ugu soo jirta ilaa baadiyaha gobolka MERO oo QAADka laga beero ma ku oran kartaa diiday oo cuni maayo?, mise waxaad tahay SAC irmaan oo ninkii doonaa iska maalo isaga iyo ilmihiisoo baahan ?.

Qore: Sh. Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online