Macalimiinta PHD wata oo ku soo biiray Jaamacada Najaax ee magaalada Burco (Masawiro)

September 26, 2016 - Written by Editor

3Burco:-Jaamacada islaamiga ah ee Najaax oo ka mid ah jaamacadaha kala duwan ee ku yaala magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer gaar ahaan kuliyada Culuumta Shareecada islaamka ayaa waxa ay heshiisyo kala duwan la gashay Macalimiin ka yimid dalalka Yemen iyo Sudan.

Macalimiinta ayaa waxaa ay wax ka soo dhigeen Jaamacado ku yaal India ,Sudan, iyo Yemen waxaana ay ku yimaadeen magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ka dib heshiis ay Jaamacada Najaax la soo gashay Jaamacado ku yaal dalka Sudan .

Macalimiinta ayaa waxaa u dhasheen dalalka Yemen iyo Sudan waxaana laba ka mid ah ay waxay ka dhigaan jaamacada Al-Nilayn ee wadanka Suudaan  waxayna macalimiinta wataan PHD .

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Dr Sh. Xasan Cali Warsame ayaa waxaa uu soo dhaweeyey macalimiinta waxaana kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay xarunta jaamacada Najaax magaalada Burco.

Jaamacada Najaax ayaa waxay ku talaabsatay horumar weyn waxaana ay soo hoyday guulo la taaban karo.

Halgan.net
Burco

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online