Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe.[Masawiro]

September 15, 2016 - Written by Editor

img_7125Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii ballaarnaa ee  uu hoggaaminayey ee Puntland uga qayb gelayey shirkii Madasha wadatashiga qaran ee dhowaan kusoo xirmay magaalada Muqdisho ayaa maanta 15 September, 2016-ka soo gaarey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Konoko kusoo  dhoweeyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka Gobol Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loo soo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu Madaxweynuhu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey ujeedka safarkiisa uu ugu maqnaa  Muqdisho iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay magaalada Muqdisho uga qayb galeen shirkii Madasha wadatashiga qaran, kaas oo looga hadlayey dhammaystirka hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay in ujeedka ugu weyn ee shirku uu ahaa sidii loo fulin lahaa ama loo hirgelin lahaa qodobadii lagu heshiiyey ee dhabbaha loogu xaadhayey sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorashooyin ay dadka Soomaaliyeed kuwada qanacsan yihiin.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkaasi ku tilmaamay mid guul u ahaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey hirgelidda qodobadii kasoo baxay shirkaasi.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online