Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray Jowhar

September 15, 2016 - Written by Editor

xassan2Jowhar:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow waxaa ay gaareen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ka dib markii safar shalay ay ku tegi lahaayeen magaalada ay ka baaqeen sababo aan weli la sheegin awgood.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Jowhar odayaasha dhaqanka , maamulka degmada Jowhar, Saraakiil ciidanka AMISOM iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xassan Sh. Maxamuud ayaa la filaayaa in uu furo shirka maamul u samaynta  gobolka Sh/dhexe iyo Gobolka Hiiraan waxaan uu ka jeedin doonaa khudbada Hoolks shirarka ee magaalada Jowhar isagoona kulamo la qaadan doona odayaasha dhaqanka ee ku sugan Jowhar.

Shirka Maamul u samaynta  gobolka Sh/dhexe iyo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hor yimid Siyaasiyiin , Cuqaal ,Nabadoon , Ugaasyo Gobolka Hiiraan oo uu hogaaminayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo iyaga ka codsaday in gobolka Hiiraan laga dhigo labo gobol taas oo ay madaxda dowladda Federaalku ay diideen.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online