Madaxweyne Xassan Sheekh oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Talyaaniga.[Masawiro]

September 27, 2016 - Written by Editor

unnamed-2Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh. Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiyi doona Soomaaliya, Carlo Campanile. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal, isagoo isla markaana u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhinaca siyaasadda, iskaashiga dhaqaalaha,amniya iyo arrimaha bulshada. Walow iskaashigeena uu hakad galey markii waddankeena uu qalalaase galey, hadana waxaan rajeynayaa in Talyaaniga uu door weyn ka cayaari karo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Waxaan leenahay kheyraad isugu jira xoolaha nool, beeraha, kaluumeysiga, shidaalka iyo macdan kala duwan. Si dhaqaalaha sare loogu qaado, ugana faa’ideystaan dhalinyarada, waxaan u baahanahay maalgashi iyo iskaashi aan ku horumarino kheyraadkaasi’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjiraha Campanile, ayaa sheegay inuu ka mahad celinayo sida qiimaha leh ee loogu soo dhoweeyay dalka, isagoo sheegay in uu xoogga saari doono xoojinta xiriirka labada dal, taageerada hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, doorashooyinka 2016, nabadeynta iyo xasilinta , iyo in Soomaaliya ay noqoto waddan xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo deriska iyo caalamka intiisa kale.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye, iyo mas’uuliyin kale oo dowladda ka tirsan.

—————————–DHAMMAAD———————-—
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online