Maxaa dhalinyarada guurka ka hortaagan? W/Q Sh Maxamuud Sh Xassan Abu dalxa

September 7, 2016 - Written by Editor

AbudalxaOdense:-Waa Maqaal kooban oo uu Sh Maxamuud Sh Xassan Abu Dalx uu kaga hadlayo waxyaabaha dhalinyarad ka hortaagan guurka iyo weliba waxyaabaha sababta u noqda furiinka deg deg ah oo maalmahaan danbe cilad ku noqday guurka iyo waxyaabah looga bixi karo arrimahaas wuxuuu ku soo koobayaa qodobada soo socda.

1.Guurka iyo waxa uu xanbaarsanyahay oo aanay dhalinyaradu aqoon u lahayn,si fiicana u fahansaneyn.

2.Waalidiinta oo aan dhalinyarada u diyaarin sidii ay u qaadi lahaayeen masuuliyada qoyska gaar ahaan wiilasha.

3.Awooda dhaqaale ee dhalinyarada guurdoonka ah oo kooban iyo aroosyada Soomaalida oo aad qaali u ah,marka lagu daro meherka.

4.Waalidiinta oo qaar ka mid ahi dhalinyarada kula talinayaa in ay waxbarashada dhameystaan ka dib ay guursadaan,ama dhalinyaraduba ku tashato.

5.Burburka,buuqa iyo wada dhaqan xumada qoysaskii hore oo dhalinyada ku abuura baqdin iyo walaac xagga guurka ah.

6.Yaa tahay, yuu yahay reer hebel isma guursano,oo dhalinyaro badani ku guurseegeen.welina socota.

7.Shuruudaha oo dhalinyarada laftoodu isku adkeeyaan sida gabar ama wiil 100% ah Iyo waliba gabdhaha wax bartay oo kabadan wiilasha taasoo sababta inay gabadhiiba raadiso nin kasareeya ama la mid ah!

8.Sida dhalinyarada guurdoonka ahi isu bartaan oo aad u adag.

9.Dhaqamada waddammadan aynu nimi laga dhaxlay oo ah in dhalinyaradoodu ku guur sadaan ilaa 30 jir.

10.Zinada oo u fudud qofkii aan Allah ka cabsaneyn,guurkana ka daahiya.

A. Maxaa keena furiinka degdega ah.

1.Qaabkii shukaansiga oo qaloocday.

2.Masuuliyad xumo iyo daacad la,aan.

3.Barbaarin xumo xagga waalidka ah.

4.Ujeedada iyo hadafka guurka oo aan marka hore si fiican loo fahmin.

5.Fara gelin kaga timaada labada waalid iyo asxaabtooda taas oo guriga lagu duminayo.

6.Gabdhaha oo guryaha lagu cidleeyo,halka wiilashu ay waqti badan maqanyihiin.

7.Gabdhaha oo haddii la furo aan baahi dhaqaale u qabin wiilasha.

8.Balwad qarsooneyd oo isasoo qaawisay.

9.Ballan qaadyadii oo beenoobay.

10.Qaab xalinta khilaafeed oon la aqoon
B. Xalku muxuu yahay.

1.Xuquuuqda lamaanaha oo looga danbeeyo sharciga Allaah S.W.T

2.Cibaadada Allaah oo labadiyo.

3.In labarto sabir iyo dulqaadka macnahooda.

4.In lasiiyo lamaanaha cusub Dawraad khaas ah oo lagu barayo qaabka noolasha iyo barbaarinta ubadka.

5.Inay ku xirmaan Masaajidada iyo meelaah qeyrka.

6.Inay bartaan dhaqanka Islaamka iyo kan Soomaalida ee suuban

7.In laga sheekeeyo wannaaga qoysas badan oo guuleystey.

8. In laga hortago dhammaan caqabadaha dhalinyarda guurka ka hortaagan.

9.Waalidiinta in lagala hadlo arimaha dhalinyaradu kaga cabanayaan.

10.Qaababka arosyada soomaaliyeed oo ubaahan in wax badan laga badalo.

11.Mehirka oo hoos loo dhigo( kan ii dhahdana lala dagaalamo).

12.Sirta qoysaska oo la ilaaliyo.

13.Maraakizta, Culimada,aqoon-yahanada iyo Waalidiinta oo iska kaashada Channels ay isku bartaan kuna xiriiraan Da,yartu.Laguna baro axkaanta guurka, mas,uuliyadda, iyo waliba haddii uu khilaaf yimaado sidda loo xaliyo.Sameeyaanna Hay,ad ka’caawisa Da,yarta guurka.

Fadlan ku soo dir wixii Afaar ah  oo ku biirinayso  emailkaan  abuudhalha@hotmail.com

W/Q Sh Maxamuud Sh Xassan Abu Dalxa
Odense Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online