Ra’iisul wasaaraha DFS oo ka biyo diiday go’aankii Guddiga Doorashada Dadban

September 27, 2016 - Written by Editor

RW-CumarQardho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Go’aan ka gaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh,Dhexe ay tahay mid u talla Dowladda Federaalka , Guddiga Doorashadda dad-banna looga bahan yahay uun in ay wada tashi la yeeshaan Isimada ugu jira 2da Gobol Hiiraan iyo Shebellaha dhexe Odayaasha 135, dabadeedna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka natijada ka soo baxda wadatashiga ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka ee goballa daaar.

“Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe waa mid u talla Dowladda federaalka Soomaaliya “.“ Waxaan u mahadcelinaya oo aan Bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga Doorashadda 2016 , hayeeshee waxaan rabaa inan faro oo an u cadeeyo Guddiga in ay ilaaliyaan Go’anadii lagu gaaray Madasha hogaamiyaasha Qaranka ,oo lagu cadeyey in Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla Dowladda federaalka Soomaaliya “ ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa ku booriyey Guddiga doorashadda in ay wada tashi la yeshaan dhammaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira ggoboladda Hiiran iyo Sh. Dhexe 135 oday uguna tagaan goob kasta oo ay jogaan , isla markaana ay Dowladda Federaalka u soo gudbiyaan natiijadda ka soo baxda wada tashigaas sidii horay loogu heshiiyey.

———Dhammaad————-

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online