Sh.Maxamed Aadan Cabdille oo dib ugu soo laabtay dalka Koofur afrika.[Masawiro]

September 20, 2016 - Written by Editor

20160906_184615Johannesburg:-Waxaa gaaray Koofur afrika Sh.Maxamed Aadan Cabdile oo ka mid ah ducaada Soomaaliyeed, sheekha oo mudo 2 sano iyo bar daaci ka ahaa koofur afrika ayaa waxaa uu mudo sanad ah ku maqnaa dalka Soomaaliya. Sheekha oo soo gaaray maalintii axadda 04/09/2016ka garoonka Johannesburg ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha culimada iyo mas,uuliyiinta Majliska Islaamiga ah ee Albayaan.

Intaa ka dib waxaa Sheekh Maxamed Aadan Cabdile loo qabtay kulan is waraysi ahaa oo ay ka soo qayb galeen inta badan waxgaradka Jaaliyadda soomaalida ee Johannesburg, culimada, odayaasha, aqoon yahanka, dhalinyarada, ganacsatada, kulanka oo uu sheekha uu warbixin ku siinaayay ka soo qayb galayaasha ayaa waxaa la socday towjiih ayadoo su, aalo ku saabsan warbixinta la su,aalay sheekha, waxaana uu fadhigu ku soo gaba gaboobay jawi fiican iyo in laga wada maqsuuday warbixinta iyo towjiihii la socday.

Intaa ka dib sheekha waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay ducaada iyo mas,uuliyiinta Majliska Al-bayaan , kulankaa oo muhimadiisa ahayd in sheekha loogu warbixiyo mudadii uu maqnaa wax qabadkii majliska albayaan ee dacwada, Sheekhana waxaa laga dhagaystay warbixinta dacwada ee dalka iyo heerka ay marayso dacwada ka socoto guud ahaan gobollada Soomaalida.

Waxaa kaloo jiray in kulan gaar u ahaa dhalinyarada in uu qabsoomay18ka oo ah maalintii axada, kulankaa oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dacwada ee dhalinyarda ee lagu magacaabo Ixsaan, kulanka oo ay ka soo qayb galeen dhalinyaro farabadan ayaa waxaa uu ahaa ajandaha,warbixin in la siiyo dhalinyarada gaar ahaan dhanka horumarka dhalinyarada iyo waxbarshada ee dalkii maadama ka soo qaybgalayaasha kulanka ay u badnaayeen arday dhigta dugsiyadda sare iyo Macaahidda ka sareeya.

Waxaa kale oo kulanka ka mid ahaa ajandihiisa in towjiih iyo dhiirigelin loo sameeyo ardayda, ayadoo la dhagaystay fikradaha dhalinyarada ee ku aadaanaa dhibaatooyinka haysta dhalinta Koofur afrika ee Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Kulankan oo ku soo gabagaboobay jawi heer sare ah ayaa waxaa sheekha ku wehliyay oo kala qayb qaatay mas,uuliyiinta Al-bayaan qaarkood, Sheekh Maxamuud Adar, iyo sheekh Cabdirisaaq Mowlaanaa. Dhamaan fadhiyadaa waxay ku dhaceen xarunta majliska albayaan ee Johannesburg Sheekh muxamed aadan cabdile ayaa ku sugnaan doono dalka Koofur afrika insha allah dhowr bilood waxaana la filaayaa in uu galo kulamo kale iyo muxaadaraad kale duwan.

Johannesburg,
South africa
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online