Xafladda Qalin-jabinta Dufcadda 8aad ee jaamacadda Nugaal ee Laascaanood (Masawiro)

September 15, 2016 - Written by Editor

2Laascaanood:-Jaamacadda Nugaal oo ku taal magaalada Laascaanood ee xarunta G/sool ayaa waxa ka qaybsoontay munaasabad aad u balaadhan oo ahayd xafladda qalin-jabinta Dufacaddii 8aad ee ka baxda jaamacadani sanad-dugsiyeed 2015-2016. Xafladda oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa kasoo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray culimada gobolka,madax-dhaqameedka,ganacsatada, bahda waxbarashada, saxaafadda, waalidiinta iyo ehelada ardayda,maamulka gobolka, maamulka iyo macalimiinta jaamacada,iyo waliba wafti ka socda jaamacdda Islaamiga ah ee ugandha.( IUIU).

Ugu horeyn waxaa munaasabadda khudbad dheer kasoo jeediyey Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal Prof: C/risaaq Maxamed Aadan( Lafoole) isagoona uhambalyeeyey ardayda qalin-jabisay kulana dardaarmay inay waxbarashada sii wataan bulshadana ugu adeegaan, kana sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay,halka ay manta marayso,xidhiidhada jamaacaddu ay leedahay gudo iyo dibadka iyo waliba barnaamij master ah oo ay jaamacaddu dhawaan heshiis kula saxiixatay inay fuliso jaamacadda IUIU.

Dhanka kale wafdiga jaamacadda IUIU oo ka koobnaa 4 Diktoor oo ka kala socday kulliyadaha shareecada iyo BBA-da iyo qaybta Daraasaadka saree ee jaamacadaasi ayaa dhawaan la filayaa inay bilaabaan barnaamijka masterta saddex qaybood oo kala ah: shareecada iyo diraasaadka islaamka,maamulka iyo maaraynta iyo waliba qaybta caafimaadka.

Ugu dambaynta dhammaan kasoo qayb-galayaashii xafladda ka hadlay ayaa uhambalyeey ardayda qalin-jabisay kuwaas oo ka koobnaa 148 kana baxay barnaamijyada kala ah: Kulliyadda shareecada iyo diraasaadka islaamka/ qaybta diplomka saree e fiqhiga. Kulliyadda shareecada iyo diraasaadka islaamka/ qaybta Degreega.

Kulliyadda maamulka iyo maareynta Kulliyada caafimaadka / public health/clinical officers Kulliyadda horumarinta bulshada iyo hogaaminta. Kulliyada culuumka computerka/ diploma Machadka Luuqadda Carabiga.

Hoos Ka Daawo Xafladda Qalin-jabinta Dufcadda 8aad ee jaamacadda Nugaal ee Laascaanood .

Ahmed said
Laascaanood
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online