Baaq Nabadeed oo ku Wajahan Colaada Magaalada Gaalkacyo Suldaan Cabdi Qani Qorane

October 30, 2016 - Written by Editor

thumbnail_photoGaroowe:-Waxaa na soo gaaray baaq nabadeed oo uu dirayo Suldaan Cabdi Qani Qorane oo ka mid ah Isimada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland waxaana uu baaq nabadeed u diray maamulada iyo shacabka Puntland iyo Galmudug waxaana uu baaqa u qornaa sidatan.

بسم الله الرحمن الرحيم

Mahad oo dhan Ilaahay baa iska leh nabadgelyo iyo ammaanna, nabigeennni Muxammad ahaa, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo intii wanaag ku raacda ilaa qiyaamaha dushooda ha ahaato.

Walaalayaal annagoo ka xun dagaallada soo noqnoqday ee ka aloosan magaalada G/Kacyo,  xoojinaynana baaqyadii sida is daba joogga ah beryahan ay dal iyo dibad uga soo tabinayeen samajeclaha Soomaaliyeed ayaa waxaan soo jeedinaynaa bayaankan:

Tacsi

Waxaan u tacsiyeynaynaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii ay ka baxeen dadkii ku dhintay dagaallada G/Kacyo. Dadkaas waxaa Ilaahay  uga baryaynaa dambi-dhaaf iyo naxariis janno inuu siiyo inta ku dhaawacantayna waxaan Alle u weydiinaynaa inuu u boogo dhayo, Dadka qaxay waxaan iyagana Alle u weydiinaynaa inuu qariibnimada iyo degaannada ay tageen ku daryeelo, dadka ay u tageenna waxaan ugu baaqaynaa inay soo dhoweeyaan walaalahooda soo barakacay.

Reer G/Kacyo

Dadka walaalaha ah ee ku dagaallamaya magaalada G/Kacyo waxaan ugu baaqaynaa inay Ilaahay ka cabsadaan soohdimaha iyo xuduudaha Allena dhowraan, adduunkooda iyo aakhiradoodana ka ilaashadaan dagaalkan aan lahayn guul lagala hoydo iyo guri lagula laabto.

Ilaahay baa qaddaray in aad G/Kacyo iyo Mudug ku wada noolaataan, sida muuqatana faca maanta nool iyo jiilalka soo socda ee gobolka sidan ayey ugu wada noolaanayaan, hadaba maadaama dagaalka maanta aan laga dhaxlayn in labada daraf mid uu ka jaanqaado magaalada waxaan idinku adkaynayaa inaad shuruud la’aan ku qaadataan nabadda lama huraanka ah, wax walba oo lagu gaari karana fududaysaan.

Maamullada dalka

Madaxda Dawladda Puntland, Maamul goboleedka Galmudug iyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay u hiilyaan jiritaanka ummadnimo, qaadaanna tallaabo walba oo lagu badbaadin karo dalkan badbaadintiisa iyo u adeeggiisa ay magacyada Alle ugu dhaarteen.

Dhaqanka & waxgaradka

Dhaqanka iyo waxgaradka ummadda Soomaaliyeed oo had iyo goor u taagnaa nabadaynta baajinta iyo daminta colaadaha meel ay joogaanba waxaan ugu baaqaynaa  inay labalaabaan dadaalkii looga bartay kuna hagoogtaan colaadda  magaalada G/kacyo maadaama aan meel kale xal laga sugayn.

Saxaafadda

Waxaan ugu baaqaynaa bahda saxaafadda inaysan qayb ka noqon hurinta colaadda u baahan in la damiyo iyo inay ka waantoobaan faafinta hadallada aadka u macnaha daran ee xambaarsan afxumada, isir nacaybka, cuqdadda, quursiga iyo hadalka naacda ah ee isku dirka iyo laqwiga ah ee dabka baxaya sii holcinaya. Saxaafadda waxaan ugu baaqaynaa inay waajibaadkooda u gutaan si xilkasnimo iyo Alle ka cabsi ah, waxaanna ku adkaynaynaa inaysan nin kale dambigiis naar ku galin.

Dib u heshiisiin

Walaalayaal sida colaadaha iyo dagaalladu ugu baahan yihiin geesinnimo iyo dhiirranaan ayey nabadduna u baahan tahay geesinnimo iyo halyeeyo soo hoyiya, hadaba waxaan ugu baaqaynaa halyeyada iyo inta dagaalka u heellan inay muujiyaan geesinnimo ay ugu bareeraan dhalinta iyo qaadashada nabadda, isuna tanaasulaan si loo hambeeyo baaqiga dhiigga reer G/Kacyo.

Walaalayaal waxaan filaynaa inaysan jirin cid colaad ka door-bideysa nabad. Waxaa kale oo aan ku kalsoon nahay in dhammaan la isla oggol yahay in G/Kacyo godob la’aan lagu wada noolaado, hadaba haddii la isla oggol yahay xilka naga saaran iyo baahida loo qabo in la nabdo gar ma aha in shuruud lagu xiro mustawaha, hannaanka, goobta iyo dadka wada hadlaya sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa inaan la siyaasadayn nabadda laguna qaato mustawe kasta oo lagu baajin karo dhiigga daadanaya.

Guulaha ilaa iyo hadda laga gaaray dagaalka waxaa ugu muhiimsan in tiro aan naga go’in oo dad ah ay naga dhinteen, qaar kalena inaka dhaawacmeen, halka ay qaxeen intii qixi kartay, waxaana hubaal ah taasi haddey guul tahay cid ay u tahayba inaysan Soomaali guul u ahayn ee ay u tahay guul darro, sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa inaynan qaban shaqo guul u ah cadowga aan ina kala aqoon, wixi isaga kaaya dhintana isku tirsanaya.

Walaalayaal in la is laayo oo nugulka, maatada, ubadka, inta taagta daran iyo inta dambiga aan rabin la qaxiyo ma aha wax inoo cusub iyo wax aan u baahan nahay midna,  waxaan u baahan nahay ee inaka maqan waa hal-abuur nabadeed iyo hindise cusub oo horseeda nabad waarta iyo wada noolaansho lagu nasto dadka iyo dalkuna ku xasilaan sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa aqoonleyda iyo cuquusha bulshada Soomaaliyeed ee dal iyo dibad ku dhaqan inay soo allifaan nabad ku qotonta garasho, xikmad iyo aqoon.

Ganacsatada & Qurbajoogta

Ganacsatada, qurbajoogta iyo dadka ka fog goobta colaadda ama awoodda u leh inay ka dheeraadaan waxaan ugu baaqaynaa inaysan garab siin dagaalladan Ilaahay ka badbaadiyay sababna u noqon inay le’daan dadka intiisa badan ee aan awoodin inay qaxaan ee duruuftu badday inay dugsadaan sharaarada dabka la is dhaafsanayo.

Walaalayaal dagaalka G/kacyo wuxuu sababi karaa inuu la waayo inay dhisanto dawlad Soomaaliyeed iyo musiibo gobolka Mudug ama dalkaba u gacan galisa awoodo shisheeye oo aan nala af, diin iyo dhaqan midna ahayn, dhinacna isugu erya darafyada ku dagaallamaya wax aan sagaaro biyo ka cabbin.

Waxaan Alle weydiisanaynaa inuu maslaxad khayr qabta dhex dhigo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer G/Kacyo, beerkoodana burcad isu mariyo.

Guddoomiyaha Golaha Arrimaha Mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed (MAAMUUS)

Suldaan Sh. C/Qani Qorane Maxamed

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online