Dagaal ka dhacay Galbeedka magaalada Gaalkacyo oo Khasaaro gaarsiiyey Shacab.

October 13, 2016 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug  uu saaka iyo galabta uu ka dhacay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac u geystay shacabkii ku noolaa magaalada kuwaas oo ay xaafadahooda ugu tageen Hubka la isku ridayo.

Isbitaalada magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyey rayid uu soo gaaray Dhaawac kala duwan. Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsir Yuusuf Bare ee dhinaca Galmudug oo ka hadlay dagaalkii maanta ayaa ku eedeeyey Puntland in ay duulaanka ku soo qaadeen Galmudug ayna hub culus  iyo Taangiyo ay la dhacayaaan Shacabka .

Hoos ka Dhageyso Duqa magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug oo ka hadlay dagaaladii saaka ka dhacay Gaalkacyo.

Dhanka kale Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalka ka dhacay maanta Galbeedka magaalada Gaalkacyo waxaana ay uga digtay DFS in faraha kala baxdo dagaalka ka socda Gaakacyo iyada oo ku celisay in ay cadeymo u heyso in DFS ay qeyb ka tahay dagaalka ka socda Gaalkacyo.

.

Waxgaradka iyo culuma,udiinta magaalada Gaalkacyo ayaa wada dadaal ay ku joojinayaan dagaalka u dhexeeya labada Maamul kaas oo uusan wax dan ah ugu jirin in ay is laayaan oo ay shacbaka Barakiciyaan.

M_M Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online