Degaanka Godinlabe oo ay ku dagaalameen kooxda la baxday Ahlusunna iyo Gal Mudug

October 12, 2016 - Written by Editor

godinDagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyo Garab ka helaya Maamulka Ahlusunna ayaa waxaa uu ka dhacay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud waxaana dagaalka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday ka dib markii Maleeshiyo la sheegay in ay diidan yihiin Maamulka Galmudug ay isbaaro dhigteen duleedka Degaanka Godinlabe waxaana weerar ku qaaday ciidan ka tirsan Galmudug kuwaas isku dayey in ay qaadaan Isbaarada.

Dagaalka ayaa waxaa ku biiray Ciidamo wata Gaadiid Dagaal oo aad u badan,kuwaas oo ka baxay Degaanka mareergur ee Gobolka Galgaduud kana tirsan kooxda Suufiyada ee gacanta ku heysan Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada ka tirsan kooxdda la baxday Ahlusunna ee Suufiyada ah iyo Maleeshiyaadka Isbaarada dhigtay ay la wareegeen Gacan ku haynta Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Xiisad Kacsanaan ah ayaa waxaa laga soo sheegayaa Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud xili Mas’uuliyiin ka tirsan kooxda Suufiyada ee Ahlusunna ay sheegeen in ay la wareegeen Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud
A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online