Gudiga Doorashada dowladda Federaalka Soomaaliyaa oo warsaxafadeed soo saaray

October 21, 2016 - Written by Editor

doorashada-696x392Muqdisho:-Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu soo dhaweynayaa dowlad gobaleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed oo ku guulestay in ay soo doortaan Xubnihii u matalayey aqalka sare wuxuuna guddigu ugu hambalyeynayaa sida ay ugu dadaleen in ay qondada haweenkana soo buxiyaan.

Guddigu sidaas oo kale wuxuu soo dhaweynayaa dowlad gobaleedka Jubbaland oo ku gulaysatay in ay doorato xubnihii u matali lahaa aqalka sare.
Guddigu waxaa uu soo dhaweynayaa dhismaha dowlad goboleedka HirShabeelle waxaana uu ugu baaqayaa in ay soo dedejiyaan magacaabista musharraxiinta u tartamaya aqalka sare iyagoo dhowraya guud ahaan shuruudaha ay madashu u dajisay magacaabista mushar raxiinta aqalka sare sida in 30% kuraasta aqalka sare ay haweenka si gaar ah ay ugu tartamaan.

Guddigu waxaa uu hoosta ka xariiqayaa in afar (4) dowlad goboleed oo kala ah: Gal-Mudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Puntland in ay soo dhameystireen doorashadii xubnihii u matali lahaa aqalka sare, taas oo ka dhigeysa xildhibaanada aqalka sare ee ilaa hada la soo doortay 35 xildhibaan oo u dhiganta 65% ee tirada guud ee xubnaha aqalka sare oo ah 54.

Dhamaad
Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD)

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online