Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Degmada Carmo Ka Dhagax Dhigay Guriga Martida, Ka dibna u safray Gobolada Kar-kaar iyo Nugaal.

October 28, 2016 - Written by Editor

img_1450Carmo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo howlo shaqo u joogay Degmada Carmo oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Bari Degmada ayaa maanta 28 October, 2016 waxaa uu degmada Carmo ka dhagax dhigay guriga martida, gurigaas oo noqonaya dhismihii ugu horeeyey ee ay Dawladda Puntland ka hirgeliso degmada Carmo, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa dhagax dhiga ka hor waxa uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ee xarunta akaadeemiyadda tababarada booliska Soomaaliyeed ee Carmo.

Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Carmo, odayaasha dhaqanka, ururrada dhalinyarada iyo haweenka ee degmada Carmo, culimaa’udiinka, aqoonyanka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Odayaasha dhaqanka ee degmada Carmo oo uu ugu horeeyo Beeldaaje Jaamac Beeldaaje ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin dhismihi ugu horeeyey oo kamid noqon doona hantida Dawladda in laga hir geliyo degmada Carmo, wuxuuna sheegay in bulshada Degmada Carmo ay ka qayb geli doonaan mashruuca dhismaha guriga martida ee Madaxweynaha Dawladda Puntland uu ka dhagax dhigay degmada Carmo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhiga aqalka martida ee degmada Carmo ayaa sheegay “Mashruuca dhismaha aqalka martida ee degmada Carmo oo noqonaya dhismihii ugu horeeyey oo kamid noqda hantida Dawladda wuxuu bilow fiican u yahay qorshayaasha horumarineed ee aan ugu tala galnay degmada carmo iyo degmooyinka kale ee Puntland, bulshada degmada Carmo waxaan ku adkaynayaa inay u diyaar garoobaan ka faa’iidaysiga masharuucan iyo mashaariic kale oo iman doona” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray ceel biyood laga qoday duleedka deegaanka Ceel-Duurle oo ka tirsan deegaanka Juurile oo kamid ah Gobolka Bari, waxaana mashruucani uu isaguna kamid noqonayaa mashaariicda dhinaca arrimaha bulshada iyo horumarka ee ay Dawladda Puntland ugu tala gashay bulshada, iyadoo ay ceelkan ka faa’iidaysan doonaan bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kuwa ku dhaqan deegaanadaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa intaa ka dib u gudbay Gobolada Karkaar iyo Nugaal, waxaana ugu horrayn si diirran loogu soo dhoweeyey degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intii uu joogay degmada Qardho waxa uu hirgeliyay mashaariic hor leh oo salka ku haya dhinaca hormarka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xariga ka jaray wado cusub oo laami ah dhererkeeduna yahay 1.400m (Kun iyo Afar Boqol oo Mitir) waxayna noqonaysaa wadadii 10-aad ee xukuumaddiisu ka fulisay degmada Qadho, sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland waxa uu degmada Qardho ka dhagax dhigay wado kale oo laami ah taasi oo dhererkeedu yahay 1.200m (Kun iyo Laba Boqol oo Mitir), waxayna noqon doontaa wadadii 11-aad ee laga dhagax degmada Qardho tan iyo markii uu Madaxweynuhu xilka la wareegay 08 January,2014, iyadoo mashaariicdan ay qayb ka yihiin qorshayaasha horumrineed ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu qorsheeyey in laga hirgeliyo deegaanada Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa usii gudbey Gobolka Nugaal iyadoo maamulka iyo dadweynaha degmada Dan-gorayo ay ku soo dhoweyeen Madaxweynaha iyo wafdigiisa degmadaas, intaa ka dib Madaxweynaha Dawladda Puntland waxa uu kulan la qaatay cuqaasha iyo waxgaradka degmada Dan-gorayo iyagoo Madaxweynaha uga xog waramay xaaladaha guud ee degmadaas.

Duleedka caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda Puntland ee Garoowe, wuxuuna Madaxweynaha Dawladda Puntland si guud u salaamay dhamaan dadweynihii Garoowe kusoo dhoweeyey, isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen soo dhoweynta isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ee ka soo kicitamay Gobolada Kar-kaar iyo Bari.

–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online