Madaxweynaha DFS oo si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday ciidanka Jabuuti

October 25, 2016 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay galbeedka magaaladda Beledweyne.

“ Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxeynaha Soomaaliya oo la hadlay Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle , ayaa kaga tacsiyeeyey qasaarahii uu geystay qaraxa Beledweyne ee ay nabad-diidka geeysteen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha Nabad-diidku ay ku howlan yihiin dhibaateynta dhacabka, halka Dowladduna ay ku howlan tahay sidii shacabka loogu horseedi lahaa nabadeyn, horumar iyo barwaaqo.

-Dhammaad–

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online