Madaxweynaha dowladda Puntland oo soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.[Dhagayso]

October 24, 2016 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo ka soo kicitimay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso maamulka gobolka Bari iyo kan degmada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu ka hadlay colaada ka aloosan magaalada Gaalkacyo oo maalmihii danbe ay ka dhaceen dagaalo sababay in dadweynaha qaarkiisa ay ka qaxaan xaafadahoodii ay deganaayeen.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxaa uu ku eedeeyey dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunnta Gobolka Mudug madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo sheegay in ay adag tahay in dowladnimo lala wadaago madaxda Federaalka soomaaliya ee ku sugan Muqdisho oo dagaalka iyo duulaan ku ah deegaanada Puntand gaar ahaan Gaalkacyo waa sidda uu hadlkiisu u dhigaye.”

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay adkeystaan nabadgelayadooda wixii iyaga u dhexeeyana ay ku dhamaystaan si nabad gelyo ah.

Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’id Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2016/10/CODKA-GAAS.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online