Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo wakiilada beesha caalamka uga warbixiyay hannaanka doorashada, amniga iyo arrimo kale

October 12, 2016 - Written by Editor

cumar-cabdirashiid-iyo-neil-wiganMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatey wakiilada beesha caalamka u jooga dalka.

Kulankan ayaa looga hadlayey dar-dar gelinta hannaanka doorashada, dhameystirka dhismaha maamulka HirShabeelle iyo xiisadaha ka aloosan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa wakiilada beesha caalamka uga waramey horumarka laga sameeyay hannaanka doorashada, dadaalka xaqiijinta qoondada haweenka iyo in doorashada ay ku dhacdo waqtiga loogu talagaley.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wakiilada uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan idin ku wargelinayaa in horumarka laga sameyeeyay dhismaha maamulka HirShabeelle ay ka tarjumeyso sida ay inooga go’an tahay hirgelinta nidaamka federaalka iyo baahinta xukunka. Maadaama dib u heshiisiintu ay tahay mid mar walba muhimadeeda leh, waxaan qabaa in cid walba oo ka maqan amaba wax tabaneysa ay ku biirto hannaanka socda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale uga waramay wakiilada beesha caalamka xiisadaha ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo inay lagama maarmaan tahay in isla xisaabtan dhab ah lala yimaado, lagana shaqeeyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii sannadkii hore ay wada saxiixeen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Wakiilada beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay horumarka lagu tallaabsadey, iyagoo ku baaqay in la dhowro hannaanka doorashada, qoondada haweenka iyo jadwalka doorashada.

Wakiilada beesha caalamka ayaa dhanka kale soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku baaqay in la xaqiijiyo in hanaankaasi uu noqdo mid loo wada dhan yahay.

—————————DHAMMAAD————————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online