Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kulan la yeeshay xubnaha aqalka sare ee Puntland (Masawiro)

October 22, 2016 - Written by Editor

dsc_0986Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha  Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 22 October, 2016 quraac sharaf u sameeyey xubnaha aqalka sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya u matalaya Puntland, kuwaas oo ay khamiistii lasoo dhaafay doorteen baarlamaanka dawladda Puntland.

Kulanka quraac sharafta ah waxaa goob jog ka ahaa guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo labada guddoomiye ku-xigeen, xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer Federaal, Wasiirro iyo Agaasimka Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo quraacda kadib hadal dar-daaran ah u jeediyey xubnahaan Puntland u meteli doonaa Aqalka Sare ee dawladda Federaalka ayaa sheegay in looga baahan yahay xubnahaan ugu horrayn in ahaa kuwo ka digtoon go’aan walba oo golaha la horkeeno iyo ujeedooyinkiisa, sidookalena looga baahan yahay in muujiyaan feejignaan dheeraad ah isagoona Madaxweyne ku-xigeenku ku tilmaamay xubnahaani in ay yihiin labeentii Puntland.

Kusimaha Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xubnahaani ay yihiin kuwo uu shacabka reer Puntland kalsooni buuxda ku qabo isla markaana dhammaantood ku suntan horumarka iyo nabadda Puntland, taa beddelkeedana looga baahan yahay in aanay lumin kalsoonida buuxda ee uu shacabkoodu ku qabo.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu kula dardaarmay xubnahaan aqalka sare u metelaya Puntland in aanay ku milmin siyaasadaha xambaarsan danaha gaarka ah ee muddooyinkii dambe looga bartay Muqdisho, balse looga baahan yahay in ay ahaadaan kuwo ka shaqeeya maslaxadda guud ee dalka Soomaaliya iyo tan Puntland ee ku dhisan horumarka iyo Soomaali jecaylka.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyey xubnaha aqalka sare u meteli doona Puntland in ay ahaadaan kuwo tusaale wanaagsan u noqda guud ahaan 54-ta xubnood ee uu ka koobnaan doono aqalka sare ee dawladda Federaalku, isagoona xusay in aqalka sare uu ka mid yahay himilooyinkii uu shacabka reer Puntland ku taamayey muddo badan.

Xunaha aqalka sare ee dawladda Federaalka u metelaya Puntland ayaa ka kooban 11 xubnood oo dhammaantood ah ruug caddaayo muddo badan kusoo dhexjirey siyaasadda Soomaaliya iyo tan caalamka isla markaana wax badan ka beddeli kara siyaasaddan cakiran ee hadda ka jirta dalka Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online