Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Saraakiil Ka Tirsan Hay’adda UNOCHA

October 31, 2016 - Written by Editor

img_1491Garoowe:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta 31 October, 2016 Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka tirsan hay’adda UNOCHA.

Saraakiisha uu Madaxweyne ku xigeenku ku qaabilay xafiiskiisa waxaa kamid ahaa Mr. Justin Brady oo ah madaxa hay’adda UNOCHA ee Soomaliya oo qaabilsan xafiiska kaalmada bini’aadanimada ee UN-ka iyo sidoo kale madaxa xafiiska UNOCHA ee Puntland Mr Francis iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cismaan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa saraakiisha hay’adda UNOCHA kala hadlay arrimaha abaaraha oo ay Dawladda Puntland hore ugu dirtay beesha caalamka baaq la xiriira sidii Puntland loogu soo gurman lahaa, maadaama ay qaar kamid ah deegaanada Puntland ka jiraan abaaro saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa hay’adda UNOCHA uga mahad celiyey sida ay ugu howlan tahay inay ka qayb qaadato gurmadka loo samaynayo dadka ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan qaar kamid ah deegaanada Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online