Puntland oo galabta Gaalkacyo ku soo bandhigtay 3 askari oo ka tirsan NISA.[Cod/Masawiro]

October 12, 2016 - Written by Editor

3Gaalkacyo:– Puntland ayaa galabta ku soo bandhigtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug askar ka tirsan ciidamo ka tirsan DFS gaar ahaan kuwa NISA ee hay’ada nabad sugidda Soomaaliyeed kuwaas oo ay sheegtay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Gaalkacyo.

Wasiirka deegaanka ee dowlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shir jaraa’id qabtay magaalada Gaalakacyo ayaa waxaa uu sheegay in 3 sakari oo ka tirsan hay’ada nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA ay isku soo dhiibeen Puntland .

Dr. Cali Cabdullaahi Warsame Wasiirka deegaanka ee dowlada Puntland ayaa eedeyn u jeediyey madaxada DFS waxaana uu sheegay in ay cadeymo u hayaan in DFS ay qeyb ka tahay dagaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

. 3 Askari ee ka tirsan Hay’ada nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA ee isku dhiibay Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay isigu dhiibeen ciidanka Puntland.

Hoos ka Dhagayso Puntland oo galabta Gaalkacyo ku soo bandhigtay 3 askari oo ka tirsan NISA

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2016/10/Ciidan-iyo-Wasiirka-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online