Sheekh Maxamuud Xaliike oo baaq u diraya Maamulada Galmudug iyo Puntland

October 30, 2016 - Written by Editor

xaliikeLaascaanood:-Waxaan udirayaa baaq walaalaha muslimiinta ah ee ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug marka u horaysa waxayga su,aala walaalayaal ma iswaydiiseen maxaad isudilayasaan, maxaad magaalada isaga gubaysaan,maxaad maatadiina uqixinaysaan, maxaad ubadkiina uagoomaynaysaan,maxaad ooryihiina asayda ugusaaraysaan, maxaad hooyooyinka iyo aabayaasha uga oohinaysaan ilmadana uga daadinaysaan,maxaad waxbarashadii bilnayd ubaabi,inaysaan,maxaad ganacsigii afarta jiho ugakalagooshijiray magaalada uga baabi,inaysaa,maxaad tola, aydii lagategay utalaalaysaan taakulo iyo tamar waxaad hayseena ugu tiigaasheen,maxaad sidii niban cadow isu ahoo aanay calaf cudud iyo caano kadhaxayn isugu cidhibjaraysaan ,maxaad sidii niban cadow iskudiray aan caaqibadooda katalinayn isugucududsanaysaan,maxaad sidii niban aan ilaahay hortagayn isugu colaadinaysaan,maxaad sidii niban qabri iyo qiyaame kaquustay qudha isaga jaraysaan,maxaad xumaha wanaaga ugadoorateen miyeydinaan caqlilahayn,maxaad jamicii salaadaha adinkii masaajida nuurkii diinta dadka uga xanibteen colaad daraadeed,ogaada waalayaal inaad dhimandoontaan ilaahay lakulmidoontaan sakaraadku idiin imandoono qabriladindhigidoono laydinxisaabindoono jano iyo naar mid aad gelidoontaan,gabalkan iyo waagan isbedelaya uu idinkuwado guri,aan gacal lahayn ooqabri layidhaahdo wixii kaahoreeya ee aad shaqaysatay mooyaan.

Waxaan leeyahay odayaasha isimada cuqaasha waxgaradka aqoonyahanka ilaahay mas,uuliyad ayuu idinaaaray uuidinsu,aalidoono maalin aan dad iyo duunyo waxba taridoonin.

Waxaanleeyahay madaxda maamulada ilaahay kacabsada dadku waxay idiindoorteen ooxilka idiinku dhiibteen inaad noolaysaan ilaalisaan noloshooda horumarkooda diintooda iyo aduunkoodaba ee idiinkumaydhiiban inaad laysaanoo baabo,isaanoo qixisaan ogaada berito xilka waad katagaysaan aduun iyo aakhiro waxaad dhigataanbaa idiin dhita ah.
Dumarka waxaan leeyahay walaalayaal waad aragtaan waxa socda colaada iyo qabyaalada lasoonoolaynayo qaawan in ilaahay idin asturo yaan lagu aakhiro iyo aduunba seegin dagaalka waxa kudhimanaya waa ninkaagii wiilkaagii kaad sodohda uahayd kaad eedo ama habaryarta uahayd kaad aayada uahayd kaad ayeyda uahayd inaad qaboojosaan mooyaane hakaqaybqaadanina qaxa iyo colaada,waxaan leeyahay ogaada walaalayaal waxaa dadku yaqaanaa ooqudha gacankudhiigle waxaa jira afkudhiigle oo ah ka afkiisa colaada kicinteeda kaga qaybqaadanaya,waxaa jira maal kudhiigle waa ka colaada kaga qaybqaadanaya maalkiisa lacag ama xoola noolba dalka hajoogo ama dibada hakumaqnaadee,waxaa jira qalinkudhiigle waaka colaada kagaqaybqaadanaya qalinkiisa ookuqoraya meelaha kaladuwan ee bulshadu kuxidhiidho sicolaada uu usiikiciyo,waxaa jira fikirkudhiigle waa qofka kafikirkiisa iyo ra,yigudbintiisa uu bulshada ugudbinayo kugudbinaya colaada anaga iyo reerhebel saasaanu ahaan jirnay waxaasaa jirijiray anaga wax nawaydiiya anagaa tadaa hayna iyo fikirkaaba .
Ilaahay haina dhowro walaalayaal isagaa wax dhowra ninkii isdhowraa ilaahay waa dhowraa .

Walaalkiin/ Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online