Waa su’aal Da’ weyn (Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jigjiga), Qaybtii 3aad

October 4, 2016 - Written by Editor

Maqaal-300x158Waxaan qaybtii 2aad ee qormadan ku soo sheegnay burburkii ay gashay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, in ay dawladnimadii u xuub-siibatay qabyaalad iyo qoysnimo, iyadoo waliba ay adkaatay in la xakameeyo colaaddii saf-mareenka noqotay ee ka dhalatay arrinkaas gaar ahaan gobollada Koonfureed. Sidoo kale, sheyga keliya ee ay dadkii Jamhuuriyaddu dhaxleen wuxuu noqday in ay dadyowga aduunku tusaale u soo qaataan Soomaaliya marka laga hadlayo: Dawlad la’aanta, Dagaallada, dhaqaale-xumada, xirfadaha qaxootinnimada iyo musuqmaasuqa, inkasta oo anigu aanan ilaa hadda fahmin waxa la musuqmaasuqay iyo meesha laga keenayba.

Haddaba, waxaan qaybtan ku falan-qeynaynaa haddii Alle oggolaado qodobka:

  1. J) Heerka Ictiraaf(Aqoonsi) ee dawladaha aduunku u hayaan Soomaaliya & Itoobiya

Waxaan filayaa in aanu wax badan oo mugdi ah ku jirin qodobkan, iyada oo waliba laga yaabo inay dadka qaarkood la yaabaan is-barbar dhigga Soomaaliya & Itoobiya ee xilligan. Waxaanse qodobkan ku soo uruurin doonaa ereyo kooban oo kala ah:

  • Labada dawladoodba hadda xubno buuxa ayey ka yihiin ururrada kala ah: Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.
  • Waxaa jira waddama badan oo Itoobiya xiriir adag la leh wax badanna uu ka dhexeeyo, lagana yaabo inay ku wada jiraan ururro kale oo dano-wadaag ah.
  • Waxaase jira waddamo kale oo aan yarayn oo iyaguna xiriir qoto dheer la leh Soomaaliya lagana yaabo inaan wax xiriir ahba ka dhexeyn Itoobiya.

Hase yeeshee, arrimahaas oo dhan(marka Soomaaliya laga hadlayo) waa kuwo hummaag ah ama afka baarkiisa uun ah wax nacfi ahna aan si guud ugu soo xero-gelinnin dadka Soomaaliyeed, waana marka laga eego waxyaabaha ugu muhiimsan Aqoonsiga, sida: Xuduudaha waddanka, Hay’adaha Dawladda, Amniga, Baasaboorka, Lacagta waddanka, Shahaadooyinka wax-barasho iwm.

Tusaale ahaan, muddadii uu joogay Madaxweyne Xasan, saddex sano gudahood  waxaa la magacaabay: (3) Raysal wasaare, (3) wasiir arrimo-dibadeed, (3) wasiir arrimaha gudaha, (3) wasiir arrimaha gaashaandhigga, (3) wasiir-maaliyadeed, (3) Agaasime Hay’adda Nabad-sugidda qaranka, in ka badan (3) Guddomiye Bankiga Dhexe, (3) guddoomiye ee Duqa Caasimadda, iyadoo aan og-nahay muhiimadda ay jagooyinkaas iyo dadka qabanayaaba u leeyihiin dawladaha uu nidaamkoodu fadhiyo.

Sidoo kale, wuxuu caalamku og-yahay in xuduudaha Soomaaliya(Berri, Bad, Hawo) midna aysan gacanta ugu jirin dawlad Soomaaliyeed iyo inay muddo (10) sano ah  waddanka joogaan dhowr & labaatan kun oo ciidamo shisheeye ah. Waxaan iyaduna markhaati u baahnayn heerka ay joogaan qiimaha lacagta iyo baasaboorka dalku. Waxaa intaa dheer ma jiro meel laga raadraaco muwaadinka Soomaaliga ah sida warqadda dhalashada, deegaankiisa, galka caafimaadkiisa(malafka), wax fal-dambiyeed ah oo laga keydiyey sida faraha indhaha iwm.

Waxaa kale oo runtii in halkan lagu xuso ku habboon, sida ay dadka soomaaliyeed oo ay waliba ku jiraan madaxdu u tilmaamaan xilligii (1969-1991) iyadoo ay yar tahay in xataa afka la soo mariyo in aan xilligaas dawlad lahayn, beddelkeedana waxaa la adeegsadaa ereyo ay ka mid yihiin: Waagii Keligii taliyaha, xilligii Miletariga, waagii kacaanka, xilligii shuuciyadda, sannadihii Faqashta, xilligii xasuuqa, waagii Siyaad, Rajiimkii iyo ereyo kale oo badan lagana yaabo inay magacyo qabiil xambaarsan yihiin. Waxaa iyaduna hal-hayska madaxda ka mid noqday: “dhowr iyo afartan sano Soomaaliya doorasho kama dhicin”, waxaana u fahmay inay ka soo billaabayaan (1969) dhamaadkiisii.

Hase yeeshee, sow ma fiicnaateen inaan is-weydiinno maxaa Soomaaliya u qabsoomay+ka xumaaday (1960-1990), maxaase Soomaaliya u qabsoomay+ka xumaaday (1991-maanta)? Waxaanse u malaynayaa haddii suaashaas la keeno qalin iyo warqadna loo qaato inaan mar dambe la adeegsaneyn in badan oo ka mid ah hal-ku-dhigyada aan soo xusnay iwm.

Anigu sida aan qodobkan ku soo gabagabayn doonaba, waa inaan dhacdooyin kaliya tilmaamo si wax loogala dhex baxo ee ujeedkaygu ma aha inaan fekerkayga oo kaliya kuu soo gudbiyo. Sidaas darteed, waxaad si deggen oo Soomaalinnima ah iila fiirisaa qodobadan soo socda:

  • Laga soo billaabo xilligii gumeystaha(Qarni & ka badan) dawladnimada soomaalidu way kobcaysay dhinac walba, iyadoo marba wax uun la kordhinayay ilaa (1990), maxaase dhacay? Waxaa cagta la mariyey oo sida wax aan ummadiba lahayn aynu ula dhaqannay wixii keyd-dawladnimo ahaa oo qaranku lahaa muddadaas dheer, sida: wixii keyd ahaa ee Ciidanka qaybihiisa kala duwan, Dawladda hoose iyo shaqadeedii(Dhul&Dadba), wixii nidaam garsoor ku saabsanaa, wixii raadraac ahaa ee Soomaaliya iyo dadyowga kale dhex maray(Nabad&Colaadba), keydka go’aamadii iyo xeerarkii dawladihii Soomaaliya ay adeegsadeen(Sax&qaladba), guud ahaan wixii raadraac u ahaa waxbarasho, caafimaad, maaliyad(bangi iwm), maktabad, matxaf iyo wixii uun raad dawladnimo lahaa oo runtii lagu sheegi karo ictiraaf(Aqoonsi) uu dalku lahaa dawlad iyo dadweynaba.
  • Ruux walba ama qabiil walba meeshuu ku arkay ayuu ka qaatay ama ka burburiyey wixii magac dawlad uun ku astaysnaa, sida: guud ahaan xarumihii dawladdu deggenayd, warshadihii, goobihii adeegga bulshada oo ay ku jiraan: iskoolaadkii, jaamacadihii, isbitaalladii, beerihii, jidadkii, wixii keyd ahaa ee dawladdu lahayd(dal&dibadba) iwm, in kasta oo ay dhacdooyinkaas ku kala duwanaayeen gobollada dalku.
  • Haddaba, maxaa la soo kordhiyey(1990) ka dib? Maxaa innaga hor taagan inaan qirno inaan dawlad lahayn ka hor (1990)? Maxaan u oggolaan la’nahay inaan waddo qalloocan u marnay sixidda khaladkii ka yimid xagga labadii dawladood(1960-1969 & 1969-1990)? Haddase maxaa haray oo aan isku haysannaa?

Haddaba, adiguba waad qiimeyn kartaa heerka aqoonsi ee dadyowga aduunku ku qaabilayaan waddan tilmaamahaas leh, umana baahnid in wax adiga kugu saabsan oo aad ka dheregsan tahay halbeeg lagaa siiyo ee waxaad uun u baahan tahay in lagu baraarujiyo.

W/Q Sh. Axmed Xasan, arday PhD Culuunta Shareecada

La soco Q.4aad ee qormadan, idanka Alle…….

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
« Sep   Nov »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online