Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda oo xilka loo dhaariyey (Masawiro)

October 13, 2016 - Written by Editor

img_8735Waxaa saaka 13 October, 2016-ka lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland Wasiir Siciid Maxamed Raage oo loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo la dagaallanka burcad-badeedka ee dawladda Puntland.

Munaasabaddii dhaarinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii wasiirka loo dhaariyey xilkaasi cusub waxa uu kula dardaarmay in uu shaqadiisa si daacad ah u guto kana fogaado wax walba oo ku keeni kara in uu gaabis ku yimaado hawlaha culus ee loo igmaday.

“waxaad qaaday mas’uuliyad culus, waxa lagaa rabaa in aad xilkaasi sida uu yahay uga soo dhalaashid, adigoo ka fogaanaya wax walba oo sababi kara in aad shaqadaada gudan weydo” ayuu yiri Madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Eebbe uga baryey in uu wasiirka ku asturo mas’uuliyaddaasi weyn ee bulshada loogu dhiibey, isagoona Madaxweynuhu wasiirka xusuusiyey in ay shacabka Puntland uga fadhiyaan shaqooyin baaxad-leh oo salka ku haya horumarinta iyo dardargelinta hawlaha Wasaaradda.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo la dagaallanka Burcad-badeedka Siciid Maxamed Raage ayaa uga Mahadceliyey Madaxweynaha dawladda Puntland xilkaasi culus ee uu u magcaabay, isagoona ballan qaaday in uu dedaal dheeraad ah oo lagu horumarinayo shaqooyinka horyaalla wasaaradda  la imaan doono.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online