Dagaalo goos goos ah oo u dhexeeya Puntland iyo Daacish ka socda duleedka Qandala.

December 5, 2016 - Written by Editor

timthumb-4Boosaaso:-Dagaalo goos goos ah oo u dhexeeyay Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo kooxda Daacish ayaa ka dhacay duleedka degmada Qandala ee gobalka Bari. Dagaalka ayaa inta badan wuxuu ka dhacay buuraha ku xeeran Degmada Qandala.

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa la sheegay iney la wareegay Saldhig ay duleedka degmada Qandalada ay ku lahaayeen kooxda Daacish waxaana haatan dagaalka isigu soo uruuray duleedka Degmada Qandala.

Warar hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dagaalkii shalay uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana wararku intaas ku darayaan in ciidamada Puntland ay saldhigyo iyo gaari ka qabsadeen Daacish.

Ilaa haatan si faahfaahsan looma ogaan karo Khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray labada dhinac iyada oo ay aad ciriiri u tahay xiriirka Isgaarsiinta oo ka maqan tahay deegaanada ku xeeran degmada Qandala ee gobolka Bari.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online