Jamaacada Al-ictisaam oo soo saartay tacsi iyo baaq ku saabsan dilkii Sheekh Siciid Qalinle.[Akhriso]

December 4, 2016 - Written by Editor

qalinleMuqdisho:-Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wassunnah oo maanta bayaan qoraal ah ka soo saartay dilkii naxdinta lahaa ee xalay magaalada Muqdisho loogu geystay Sh. Siciid Qalinle ayaa ku tilmaantay dilka Sh. Siciid Qalinle inuu qayb ka yahay taxanihii lugu bartilmaameedsanayey haldoorka ummadda Soomaaliyeed, waxayna jamaacadu uhgu baaqday dawolada Federalka inay si dhab ah u baarto una soo qabqabato dambiilayaashii geystay dilka.

Jamaacada Bayaankeedu sidaan ayuu u qornaa:-

Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wassunnah waxay tacsi u diraysaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Sh. Siciid Cali Cismaan (Siciid Qalinle) oo xalay salaadii maqrib ka dib lugu toogtay magaalada Muqdisho. Sh. Siciid waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu dambi dhaaf iyo naxariis siiyo, intii uu ka tageyna Samir iyo ajar weyn ka siiyo.

Sh. Siciid wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii ku barbaartay diinta iyo dacwada, wuxuuna dacwada ka sokow kaalin weyn ku lahaa u adeegida bulshada iyo ka shaqaynta danta guud, beryahaan dambena wuxuu kaalin weyn ka qaatay xallinta khilaafaadka iyo colaadaha qabiil ee dalka ka taagan.

Sh. Siciid oo dadka soomaaliyeed u wada dhex ahaa dilkiisu wuxuu nabar ku noqday cid kasta oo aqoon u lahayd, waxaana laga tabi doonaa golayaal badan oo uu xubin firfircoon ka ahaa. Sh. Siciid dilkiisu ma aha wax dadkeena ku cusub ee wuxuu qayb ka yahay taxanihii xasuuqa haldoorka shacabka Soomaaliyeed ee muddaba soo socday.

Jamaacada Al-ictisaam waxay ugu yeeraysaa Dowladda Federalka in baaris dhab ah lugu sameeyo ciddii fulisay iyo ciddii ka dambeysay dilka Sheekh Siciid, caddaaladana la horkeeno. Sidoo kale waxay ugu yeeraysaa cid kasta oo gacan ka geysan karta baarista iyo soo qabashada dambiilayaasha inay ka qayb qaadato intii awoodeeda ah.

Hoos ka eeg Jamaacada Al-ictisaam oo soo saartay tacsi iyo baaq ku saabsan dilkii Sheekh Siciid Qalinle


 

Golaha Fulinta ee Jamaacada

 

Axad 04/12/2016

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online